Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bile22 on July 04, 2010, 06:59:19 PM

Title: Cudur maqaarka ah oo ka dhasha shahwada
Post by: Bile22 on July 04, 2010, 06:59:19 PM
Doctor waxaan rabay inaan su'aal kaa waydiiyo arin ku saabasan marka qofku junuubo ayaa guska afkiisa meesha ibta iyo garangarta gudniinka waxa kasoo boxo nabro yar yar oo finan ah iyo jilif is wato waxay iska baaba'aan laba todobaad ka dib iskood iyagoon la dawaynin markasto oo shahwo timaado ama la la junuubo way yimadaan dhaqtar waa la tusay dhiig badan waa laqaaday iyo waliba dhacaanka jabtada waxay yiraahdeen wax aan ku aragno malahan.
Su ashayda waxay tahay Shahwada maku dhadaa Xasaasiyad iyo infection?
Maxaa dhalin karo marka aysan imaanin shahwada waa iska caadi oo malahan nabro ?
Teedaka marka junuubku yimaado waxaa dhacdo in shahwada ay ku dhagto marada sida koolo oo kale oo si xanuunbadan looga fujiyo maxaa kiini kara taas? mahadsanid dhaqtar.
Title: Re: Cudur maqaarka ah oo ka dhasha shahwada
Post by: SomaliDoc on July 05, 2010, 10:46:25 PM
Way jiraan dad xasaasiyad ku qaba shahwada, meeshii ay kaa gaartane waxaa ka soo baxa finan xajiin wata.
wayna yaryihiin dadka ka cawda waxa loo yaqaano "rash from semen".

La xiriir takhtar maqaar si aad talo u heshid.