Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasta xaji on April 16, 2017, 09:42:55 PM

Title: Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?
Post by: Nasta xaji on April 16, 2017, 09:42:55 PM
Asalaaamu calaykum dhaqaatiirta salaan qaaali ah salaan kadib, waxaa i xanuuna jirka madaxa jirkayga badankiis Waxuu yeeshay wax kuus kuusan ilaa naas ka bidix ku lee yahay dhaqtarka Waxay i dhaheen waaa baruur fadhida meesha  Hada ka hor xitaaa mammogafi waaa la i saaray anooo naasaha ka shakisan Waxay idhaheen wax dhiba MA aragno.fadlan igu caawiya Waxaad awoodaan jazakallaaah khayr.
Title: Re: Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2017, 08:58:46 PM
Waa suuragal in waxa jirka ka buurbuuran ay yihiin dufan waxaana loo yaqaanaa "Lipoma" meelo badan oo jirka ka mid ah way ku samaysmi karaan, haddii ay jir xanuun la socdane waxaan kugula talin lahaa inaad iska baartid xanuunka cholesterol-ka iyo xanuunka thryoid-ka, badanaa dadka qaba labadaas xanuun waa lagu arkaa cilladaan, inkastoo ay jiraan cillado kale oo iyadane keena laakiin waraysiga yaa lagu kala sooci karaa.