Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: YUUSUF.ALI on December 04, 2017, 05:25:31 PM

Title: Su'aal: Xanuun aan garan waayay?
Post by: YUUSUF.ALI on December 04, 2017, 05:25:31 PM
Assallamu allaikum
Salaan kabacdi aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa qaabka habsamida leh ee aad bulshada ugu adeegtaan.
kheyr allah ha Idinsiiyo Insha allaah

Fadlan iga caawi tigtoore

Mudo ilaa 4 bilood ah waxaan dareemayaa xanuun aan ebidkeey maqal calaamadihiisa oo kale

Waxaan dareemayaa wax sida qandhadii oo kale ah oo waxaan jirkeeyga intiisa kale markaan gacanta saaro dareemayaa kuleyl ama qandac wata qabow
Margiyo xanuun iyo cuna xanuun/quman xanuun
Markaan xaakoodo waxaa xaakadeeyda soo raaca midab sida dambaskii oo kale ah iyo wax aad moodo bariis oo urbadan

Wax aad moodo sanboor iyo qufac ayaan lasoo toosaa markaan hurdada kasoo kaco
Lafaha iyo jirka oo dhan ayaa I damqanaaya
Waan u tagay dhaqtar baaritaan kadib waxa uu igu dhahay infectionka sanka ayaa ku haayo dawooyin ayuu isoo siiyay qaar sanka laiskaga shubaayo iyo kaniinyo
Wax aan iskaga dareemayna malahan kadib medical check up ayaan maray waxna laiguma sheegin
Qofkii iisoo dhowaada wuu hindhisaa misna wuu qufacayaa oo waxa uu noqonaayaa sideeyda oo kale .......


Title: Re: Su'aal: Xanuun aan garan waayay?
Post by: SomaliDoc on November 30, 2018, 07:45:33 PM
Cudurka dhakhtarka kugu sheegay waxaa la dhahaa "Sinusitis", wuuna keenaa calaamadaha aad dareemaysid markii laga reebo shakkiga ah qofkii ku soo agfadhiistaa inuu qufacayo ama hindhisayo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)