Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilyodacad on February 06, 2018, 02:25:32 PM

Title: Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?
Post by: Ilyodacad on February 06, 2018, 02:25:32 PM
Asc doctor.
Waad ku mahadsanrihiin sida qiimaha leh ee aad y daboosheen baahiyaha caafimaad ee bukshadeenna.
Waxaan rabaa inaan ku waydiiyo doctor; waxaan qabaa xanuunka macaanka sidoo kale waxaan dareemaa lugo xanuun iyo dubka sare ee jidhka oo i damqada, badanaa habeenkii waxaa i xanuuna lugaha waliba cagta hoose"feet" iyadoo mararka qaar aan dareemo sidii max i mudaya oo kale.
Waxaan sidoo kale dareema in dhuuxu i shubmayo ama gororayo oo kale.
Markaa doctor ma waxa la odhan karaa cudurkan wuxuu la xidhiidhaa macaanka mise wu ka madax banaanyahy,
Wax jug ah hore iima gaadhin da, daydu waa 18 misankaygu waa 40kg height ku waa 1.68m
Title: Re: Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2018, 09:25:54 PM
Luga xanuunka ay dareemaan dadka macaanka qabo, weliba sidii inay wax ku mudayaan, ama wax kugu dul socdaan ama kabuubyo ama xatxato waa cillad ka timaada neerfaha lugaha oo sokorta wax gaarsiisay waxaana cilladaas la dhahaa "Peripheral Neuropathy", faahfaahinteeda ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0)

Waxaad u baahan tahay in sokortaada safiican loo kotaroolo, laguna siiyo daawo neerfaha soo kobcinayso, sokortane ka difaacayso.