Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qofcilmijecel on January 01, 2017, 08:11:48 PM

Title: Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?
Post by: Qofcilmijecel on January 01, 2017, 08:11:48 PM
Asc ..
Dhakhtarow waxaan u tagay dakhtar ku takhasusay tinta.. waaan ka cabanayay bidaar 
wuxuu ii qoray dawo la yiraahdo "MINOXIDIL LOTION 7.5%"
Dib ayaan u helay tinteydii  lkn waxaan rabaa in aad wax iiga sheegtid "side effect in ey leedahay ama inta uu la egyahay
Thanks dr
Title: Re: Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2017, 02:19:41 PM
Minoxidil waa daawo asal ahaan lagu daaweeyo cudurka dhiig-karka, laakiin waxaa la arkay in ay kobciso korriimada tinta, waxayna wax ka tartaa bidaarta nuuca loo yaqaano "Androgenic alopecia" oo rag iyo dumarba ku dhacdo.

boqolkiiba 40% waxbay u tartaa ragga 3 illaa 6 bil kadib markii la qaato, sidaa darteed waa daawo in muddo ah la qaato, mararka qaar waa la joogteeyaa, sidaa darteed waa muhiim in aad aqoon u leedahay waxyeellada ay keeni karto.

Waxyeellada Minoxidil:
Badanaa waxyeello wayn ma keento, maadaama ay tahay daawo korka kore la marsado, sidaa darteed waxaad dareemi akrtaa balbal iyo cuncun agagaarka timaha sida indhaha, midabka oo gaduud noqdo meelaha aad marisid iyo in tin kaaga soo baxdo meelo aadan rabin oo ka baxsan intii bidaarta ku dhacday.

Dadka qaar xasaasiyad ama allarji ayay ku noqdaan daawadaan, waxayna dareemaan furuuruc badan, cuncun, neefsashada oo dhib noqoto iyo culeys feeraha laga dareemo, barar wajiga iyo faruuryaha ah, wadne garaac iyo indho-madoobaasho.

Sidaa darteed, haddii aadan allarji ku qabin daawadaan, dhib wayn in aadan dareemin ayaa la filayaa, wixii kaloo faahfaahin dheeraad ah kala xiriir dhakhtarkii kuu qoray.
Title: Re: Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?
Post by: drmire on September 14, 2017, 05:06:20 PM
Qofcilmijecel sxp wan kusalamay waxan jecelahahy inad talo isiisid e helke kala xiriiri karaa walal thanks