Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on January 09, 2011, 12:19:42 PM

Title: Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?
Post by: Raaliyo on January 09, 2011, 12:19:42 PM
A/S DHAMAAN WALALAHAYGA SOOMALIYEED MEEL WALBA AY JOOGAAN BACDA SALAAN WAXAAN U GUDBINAYAA SALAAN QIIMO BADAN DHAQATARADA HALKAAN UGA CILMIYEEYA WALALAHOOD SOOMALIYEED RUNTIINA AAN ORAN KARNO WA DAD SHARAF MUDAN BACDA SALAAN WAXAAN QABAA HAL SUAAL OO AAN LA JAHWAREERAY BERYABA WAXAA I XANUUNA GACANATA MIDIGTA  HALKA LA ISKU YIRAAHDO (TRIGGER POINT) KA SOO BILOOW QOORTA ILAA FARAHA GACANTA INTAS OO DHAN BAA AAD II XANUUNTA MAR MAR WAY IGARACAYSAA MARNA WAA I KULULAANAYSAA MARNA WAXAAN DARMAYAA XANUUN SAAID AH XANUUNKA MARKUU GATIRO BATO KINIINIGA XANUUN JOOJIYAHA BANA ISKA LIQAA WALOOW AAN WAX SAAS IGA TARIN, MARKAA WALALAYAALOOW MAXAAD IGU CAAWIN KARTAAN WAXAAN KALOO RABAA INANA OGAADO ASTAMAHA UU LEEYAHAY CARPEL TUNNEL IYO DAWADIISA INAAD II SHEEGTAAN IYO WALIBA XALADAHA AAN KAGA GUDBI KARO XANUUNKA I HAYA.
                        

                                                                       MANY THANKX.
Title: Re: Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?
Post by: SomaliDoc on January 11, 2011, 10:28:07 PM
Su'aasha qeybteeda koowaad horay ayaa lagaaga jawaabay halkaan ayaana ka akhrisan kartaa
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1893.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1893.0)

(http://www.umm.edu/graphics/images/en/19242.jpg)Cudurka Carpal Tunner Syndrome waa xanuun ku dhaca neerfaha loo yaqaanno median nerver.
Median nerve wuxuu quudiyaa gacanta dhinaca suulka xiga iyo lafada farood ee ku dhaggan.
Neerfaha wuxuu maraa meel cariiri ah oo ay la maraan waxyaabo kale sida seedaha faraha ka shaqeysiiya, markuu neerfaha xanuunsado wuu bararaa markuu bararo wuxuu cadaadis kala kulmaa waxyaabihii kula jiray meeshii cariiriga aheed markaas ayuu neerfihii howlgabaa oo dhinacii uu quudin jiray ayaa dareen la'aan iyo in murqaha ay daciifaan lagala kulmaa.
Waxaa la aaminsanyahay neerfaha in seedaha ay dhaawac gaarsiiyeen weliba ay u bdantahay dadka seedaha faraha aad uga shaqeyssiya sida dadka teebka ama kumbuyuutarrada wax ku qora.

Xanuunka wuxuu u gudbi kraa gacanta qeybteeda kore illaa garabka, wuxuuna xanuunka u badanyahay haweenka tiro dhan 3:1 oo macnaheedu tahay 1 nin markuu ku dhaco wuxuu ku dhacaa 3 naag. taasoo loo aaneeyay in tunnel-ka haweenka inuu ka cariirisan yahay kan ragga.

Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuun, kabuubyo, iyo dareen in ay wax kugu socdaan ama cirbado lagugu mudayo oo kale.

Weli fikrad buuxda lagama heesto sida neerfaha u dhaawacmo.