Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on November 12, 2018, 06:33:51 PM

Title: Su'aal: Waa maxay faa'idada "Colostrum"?
Post by: Ahmed_Carab on November 12, 2018, 06:33:51 PM
Asc .. Waa maxay faa'iidada  Colostrum?
Title: Re: Su'aal: Waa maxay faa'idada "Colostrum"?
Post by: SomaliDoc on March 24, 2019, 10:00:44 PM
Colsotrum waa caanaha ugu horeeyo ee naaska ka yimaado markay hooyada dhasho, waxaa afkeena lagu dhahaa 'danbar', waa caanaha naaska kan ugu qiimaha badan, waxay dhallaanka u kordhiyaan difaaca jirka maadaama ay ka buuxaan walxaha jirka ka difaaco jeermiska, waxay xoojiyaan xuubka caloosha iyo mindhicirrada ku dahaaran si uusan caabu caloosha ugu dhicin dhallaanka, sidoo kale waxay jilciyaan saxarada si dhallaanka u saxaroodo yixda uu ka dhargayay inta uurka ku jirtay taasoo ah saxarada madaw ee ilmaha markay dhashaan dhigaan. waxaa intaa sii dheer faa'idooyin aad u badan oo dhianaca nafaqada dhallaanka. waa muhiim hooyo walba inay cunugeeda nuujisaa 2 sano, halkaan ka akhriso faa'idooyinka naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0)