Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dubed on June 13, 2012, 11:01:35 PM

Title: Su'aal: Ilyaradaa laba jeer laga qalay?
Post by: Dubed on June 13, 2012, 11:01:35 PM
asc wr wb.

aad buu il uga ilmeeyaa xilina uma roona kuleyl iyo qaboowba waxuu sheegay dhaqtarku inayna ishu wax qabin eey ilyaradu yar tahay sidaa darteet baa la qalay laba jeer oo caag la galiyey marwalbana waxba iskama badalin sida uu u tirayey korkeedu boog noqdaa mararka qaarna gudahay ka bukootaa oo gaduud bay noqotaa waxay u soo qoraan daawo lagu dhibciyo wax yar kadibna sideedey ku soo noqotaa hadaan lakulaney dhaqtar kale wuxuu noo sheegay qaliin kale oo waxuu yiri caag wayn baan galinayaa mudo kuwii hore ka dheerna waan ku haynayaa waxaan rajeynayaa inaad i fahanteen maxaan yeelaa?wajazaakumullaahu khayran
Title: Re: Su'aal: Ilyaradaa laba jeer laga qalay?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 11:59:21 AM
Xanuun goormuu ku bilawday?
Ma jug ama dhaawac hore miyaa jiray?
Qalliinka goormaa lagu sameeyay, halkee lagu sameeyay?, noocuuna ahaa?
Imisa ayuu jiraa markii xanuunka ku bilawday? xilligii la qalay? iyo haddaba?
Xanuunka takhaatiirta ay ku sheegeyn naga sii warbixin faahfaahsan?

Title: Re: Su'aal: Ilyaradaa laba jeer laga qalay?
Post by: Dubed on December 09, 2012, 12:48:20 AM
Ascwrwb

Wall marka hore raali ka ahaada jawaabta aan lasoo daahay, maxaa yeelay, waan mashquulay.

Waxaad isoo weydiiseen su'aalahan.

Xanuun goormuu ku bilawday?.
Jawaab: Xanuunka wuu ku dhashay ( Iney isha midig iska ilmeyso.)

Ma jug ama dhaawac hore miyaa jiray?

Jawaab: maya juga iyo dhaawac midna kama gaarin kama  sidaan hore u sheegay wuu ku dhashay  ( Iney isha midig iska ilmeyso.)

Qalliinka goormaa lagu sameeyay, halkee lagu sameeyay?, noocuuna ahaa?

Jawaab: qaliinka waxaa lagu sameeyay isagoo jooga Norway, wuxuuna jiray 3 jir ilaa 4 jir, waxaana lagu sameeyay labo goor isla sanad gudahiisa. wuxuuna jiray 3-4 sano, noociisa wuxuu ahaa, nooc ay galiyeen caag dhuuban oo tubo ah, insha dhinaceeda bidix, una dhow sanka, caagoosoo ay kasoo dhex bixiyee sanka gudihiisa, marna 6 week marna 8 week ayay ku hayeen, waxayna yiraahdeen waxaan rajeynayaa, qaliinka kadib inuu daloolka biyo mareenka isha ay weynaato, labada goorba laguma guuleysan. intaas kadib waxaan usoo guurnay Ingriiska iyana waxay yiraahdeen qaliin noocan oo kale ayuu marayaa, laakiin meesha uu caaga kujiray 6 iyo 8 ayay yiraahdeen waxuu kujirayaa hada 6 bilood, marka sidaa darteed ayaan walaacnay maadaama uu labo qaliin fashilmay, wiilkiina sidii ayay isha biyaha u daadineysaa, isaga u tirayaa, makaasey ishii boog noqotay oo madoobaatay. waxaan rajeynayaa inaad hada i fahantay.

wiilka da'diisa hada waa 7 jir

Jazaakumullahu kheyran.



Title: Re: Su'aal: Ilyaradaa laba jeer laga qalay?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 09:51:14 PM
(http://www.medindia.net/patients/patientinfo/images/eye-tear-drainage-pathway.jpg)

Si lagu yareeyo ilinta badan waa sida aad sheegtay waa in tubada la galiyo, qalliinkii horane wuu fashilmi karaa, laakiin su'aasha aan rabo in aan ku waydiiyo waxay tahay, ilinta badan waxay calaamad u noqon kartaa in dhaawac ama nabar ku yaallo isha.
Sida aad sheegtayne way noqon kartaa oo ah caruurta yaryar in ay indhaha dhaawac gaarsiiyaan marka ay ilinta badan iska tirtirayaan.

Laakiin hadduu cunugu ama qofka waynba aad aragtid in isha dhexdeeda uu tirtirayo, cillad ayaa jirto ama dhabar ayaa isha ku yaallo ama  caabuq, balbal ama dhibaato kale ayaa jiri karto.