Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alkaraar on November 29, 2016, 08:51:43 PM

Title: Su'aal: Dhaga Culays?
Post by: Alkaraar on November 29, 2016, 08:51:43 PM
ASC DHAMAAN DHAKHAATIIRTA WEBSITEKAN IYO MACAAMIISHABA  WAAN SALAAMAYAA SU AASHAYDII UGU HORAYSAY EE AAN SOO WAYDIIYO WEB KU SAABSAN CAAFIMAADKAYGA  WAXAAN AHAY WIIL 23 JIR AH OO DHAGA CULUS ILLAA IYO YARAANTAYDII WAAN DHAGA CUSLAA ANOO DHAGA CULUS BAAN CAQLIYAYSTAY WAALIDKAYGU WAXAY II SHEEGEEN ANIGOO JIRA DHAWR SANO IN AY DHAGAHA BIYO IGA YIMAADEEN KADIB MARKAY ARKEEN ANIGOO OOYAYA ISLA DHAWR JIRKAYGII AYUU DHAGA CULAYSKU IGU BILAABMAY WAXAAN KU SOO DHIGTAY DHAGA CULAYKAAS DUGSI HOOSE DHEXE SARE ILLAA JAAMACAD HADANA WAAN SHAQEEYAA WAQTIGAYGA INTA BADAN AYAAN LA KULMAA DHIBAATO XAGGA MAQALKA AH, HADAAN KA WARAMO DHAGAHAYGA CAAFIMAADKOODA WAXAY KU SUGNAADAAN MARXALADOOYIN KALA DUWAN KOL DHAG KAMIDA AYAA MAQALKU II KORDHAA SI FIICAN BAAN U MAQLAA SIDII IYADOO WAX DHAGTA IGAGA JIRAY IGA BEXEEN OO KALE MAR MARNA WAY IS XIDHAAN OO WAY CUSLAADAAN. MAR MAR  DHEECAAN BAA IGA YIMAADA WAXAAN MUDDO HAL SANO AH LAGA JOOGO KU TIJAABIYAY SALIID XABASUUD WAY I FURMAYAN DHAGUHU LKN DHEECAAN BADAN BAY I YEELANAYAAN OO IGA SOO DAADANAYA ISKUMA DAYIN DHAKHTAR INAAN TAGO LKN MARKASTA NIYADDA AYAAN KA JECLAHAY IN AAN IS DAWEYO. DHAKHTAR DHAGAHA OO KALIYA AH AMA ENT AH BAAN RAADIYAA LKN ETHIOPIA OON KU NOOLAHAY INTA BADAN LAGAMA HELO LAGA YAABAA ADDIS ABABA LKN DHAQAALAHAYGA OON II SAAMAXAYN IN AAN DHAKHTAR TAGO AYAA IGA XANNIBAYA. MARKA WAXAAN KA CODSANAYAA SOMALIDOC IN LA IGU CAAWIYO TALO TUSAALE IYO TILMAAN MAHADSANIDIIN.
Title: Re: Su'aal: Dhaga Culays?
Post by: SomaliDoc on December 27, 2016, 08:17:21 PM
Dhagahaaga rajo fiican ayay leeyihiin ee Alle ha kuu sahlo fursad aad ku tagi kartid dhakhtar, mid fiicanne Alle ha kugu aadiyo.
Waxaa laga yaabaa in dhagaha ay nadiifis ama howl fudud ay u baahan yihiin.