Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Eebaale1 on January 03, 2015, 01:39:51 PM

Title: Su'aal: Kaadi baxsadka qof qaangaar ah?
Post by: Eebaale1 on January 03, 2015, 01:39:51 PM
Waxaa ku dhibanay gabar jirta 16 sanno isku kaadinaysa habeen , Waxaa la xariirnay dhakhtar Cuduurada Kilyaha waxaa la raasay Computer waxaa la ogaaday in ay maqantahay Kilida midigta.Waxaa loo soo qoray Kaniin 21 xabo ah, waba kuma dheefin hadane mar labaad ayuu dhakhtarii u soo qoray 21 xabo isla kii ah, hada ayey bilaaday.
Maxaad nagula talinaysaan?.
Osman Oday
Title: Re: Su'aal: Kaadi baxsadka qof qaangaar ah?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2015, 11:09:38 AM
Goormay kaadi baxsadka uu biladwday?
Marka ay soo jeedo kaadida ma ka baxsataa? mise waa xilliga ay jiifto kaliya?
Daawada loo qoray magaceeda muxuu ahaa?

Qofka qabo hal killi badanaa noloshiisa waa caadi, wax dhibaato ahne lama kulmaan illaa inay jirto cillad aburis ee killada hartay ay qabto mooyee, ama cillad xaga neerfaha ee quudiya murqaha xejiyada kaadida.
Taasna waxaa lagu ogaan karaa baaritaan dheeraad in ay jirto iyo in kale, inkastoo haddii ay jirto isku-kaadinta ma lahaanayso waqti gooni ah oo hadduu qofka soo jeedo iyo hadduu jiifaba waa isugu mid.

Fadlan ka soo jawaab su'aalaha kore si aan fikrad dheeraad uga helno xaaladaada.
Title: Re: Su'aal: Kaadi baxsadka qof qaangaar ah?
Post by: Eebaale1 on January 08, 2015, 11:49:11 AM
Hadii aan ka jawaabo su'aalihii aad i soo waydiisay.
-Ilaa yaraanteedii way ku kaadinaysay.
-Kaadidu way ka baxsanaysaa soo jeed iyo hordaba.
-Daawada loo qoray oo hada markii labaad ku u socoda waa:-
 DEPROM(Imipromine - Hydrochloride BP 25mg).

Waxaa intaas dheeri ah waxay ka qaaday kaadida Cuqdad oo aad ayey u niyada jabsantahay.
Way dhega Jigtaa oo waxay mar walba u malaynaysaa in wax laga sheegayo.
By eebaale.
Title: Re: Su'aal: Kaadi baxsadka qof qaangaar ah?
Post by: SomaliDoc on January 08, 2015, 01:42:00 PM
Allaha kuu caafiyo gabadha, xanuunaka isaga kaliyaa ka qaadi karo, waa sax, dhibaatada ugu daran waa midda nafsi ahaanta ee kaadi baxsadka keensanayso, waxay gabadhaada jirtaa da'dii ay la faantami lahayd faceeda, waxayna niyad jab aad u xun ku reebaysaa in ay kaadida ceshan kari wayso, weliba ay shakki ka qaadayso qof kastoo wax sheegaya.

Walaal takhtarka ugu habboon aad la xiriiri karto waa "Pediatric Neurologist" maadaama ay xanuunkeeda uu billawday yaraanteeda, soo jeed iyo jifna aysan kala lahayn kaadi baxsadka, waxaa kaloo ii sheegtay in ay dhaga jigantahay, hal killi ay leedahay, waxaa dhici karto in ay cillado kale jiri karaan oo la xiriira xagga korriinka dhinaca maskaxda ama neerfaha.

Daawada aad soo qortay ee "Tofranil" waa daawo loo qoro dadka kaadi baxsadka qabto, laakiin way dhici kartaa inay wax u tari wayso ee fadlan la xiriir takhtarka aan kor kuugu soo sheegay si aad  u ra'yi badsatid.

Siyaabo kala duwan oo loola tacaalo ayaa jirta kaadi baxsadka da' yarta, taasina wuu kaala hadli karaa takhtarka.

Waxaa kaloo ku dadaashaan in aad gabadha niyadda u dhistaan oo aysan idinka dareemin in aad dhibsanaysaan kaadi baxsadkeeda, una sheegtaan in haddii ay kaadida ka baxsato iyo haddii kalaba, jaceelka aad u qabtaan aysan saameyn ku lahayn, ilaahay ayaana keenay cudurkaan ee maahan wax ay kas u samaynayso, caruurta iyada ka yaryar in aadan kala hadlinna arinteeda ama aysan dareemin, in qol u gooni ah haddii aad awooddaan aad siisaan oo musqushiisa leh.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)