Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasiima on March 02, 2016, 08:44:05 AM

Title: Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?
Post by: Nasiima on March 02, 2016, 08:44:05 AM
Asc dr salam kadib waxan rabaa inaad talo cafimad iga siisid waxan ahay xaas ninkega islama noolin labo wadan kala jogna marka mudadan dambe isku arkaa  inay wax igaga yaaalaan hoos kaati heesatada agteeda iyo meesha laga dhala labada meelba waxa igu yaaal wax sidi hillib cml ah mar wuu adkaana marna wuu jilca mudo sanad laga jooga aya layga gubay hoos marka dhibta meesha mey ka imaan karta illa wali wax madhalin dr kalana uma tagin wali plz dr iga jaahil bixi waxa keena cilidan
Title: Re: Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2016, 04:55:32 PM
Sida aan filayo waxaas aad tilmaantay waxay u egtahay afka ilmo-galeenka oo soo dhawaaday ama bararay ama wax ka soo baxeen.
Waa muhiim in aad la xiriirtid dhakhtar cudurrada haweenka ku takhsusay si laguu eego.
Akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo gubitaanka haweenka ay sameeyaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3280.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3280.0.html)
Title: Re: Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?
Post by: Nasiima on March 26, 2016, 10:13:57 AM
Asc dr waxan kaa sugaa jwb
Title: Re: Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?
Post by: SomaliDoc on April 10, 2016, 11:10:06 PM
Jawaabta kor ayay ku qoran tahay miyaadan arkin? Fadlan raac link-ga aan kuu tilmaamay.