Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on July 15, 2008, 11:32:11 AM

Title: Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils)
Post by: SomaliDoc on July 15, 2008, 11:32:11 AM
(http://somalidoc.com/Topics/isfiilito.png)

Isfiilatadu waxay ka mid tahay cudurrada lagu kala qaado galmada oo layska qaado marka ay istaabtaan xubnaha galmada ama xubnaha galmada iyo xuubka afka ama futada.
Halkaan ka akhriso cudurrada kale ee galmada lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html)

Cudurka waxaa xataa gudbin karta hooyada oo u gudbin karta ilmaha inta ay uurka ku jiraan ama haddi ay dhiig u shubto.

Heerarka isfiilitada
Isfiilitada waxay martaa seddex heer:

HEERKA 1aad (Primary)
Qiyaastii seddex wiig kedib marka laysku daartay waxaa jirka ka soo baxaya boog ay galeen bagteeriyo. Boogtu waxay badanaa ka soo baxdaa xubnaha galmada, laakiin wey ka soo bixi kartaa xataa futada, afka gudihiisa ama meelo kale ee oogada ka mid ah. Boogtu xanuun saas ma laha, dhowr wiig keddibna iyadaa iskeeda u baabbi'i iyadoo aan la daweyn. Qanjirada u dhaw boogta wey bararayaan, laakiin lama dhibsado. Markan waxaa lagu jiraa heerka 1aad ee cudurka aadna looma garto.

HEERKA 2aad (Secondary)
Haddii cudurka aan wax looga qaban heerka 1aad, wuxuu laba bilood keddib u gudbayaa heerka 2aad. Dhibaatooyinka caadiga u ah heerka 2aad waa firiirac ka soo baxa meelo kala duwan ee oogada ah, timaha oo daata, qanjirbarar, xoogaa qandho ah, madax xanuun iyo daal.

Haddii cudurka aan lagu daaweyn heerka 2aad, wuxuu u gudbayaa heer cusub oo uu qarsoon yahay, kaasoo qofkana uusan wax dhibaato ah ka muuqan. Isku daarashada xaga galmadana wey yaraaneysaa , laakiin weli waa la qaadsiin karaa ilmaha uurka ku jira.

HEERKA 3aad (Tertiary)
Sanado badan keddib wuxuu cudurku u gudbi karaa heerka 3aad, markaas oo uu weeraro maskaxda, wadnaha, haragga iyo lafaha.

(http://somalidoc.com/images/syphilis.png)

CALAAMADAHA LAGU GARTO

Wejiga 1aad (Xilliga hore ee waraabowga)

Wejiga Suursan (qarsoon)

ISU GUDBINTA
Waraabowga waxa Fidiya:

DHIBAATOOYINKA KA YIMAADA CUDURKAN
Haddii Aan la Daaweyn, Waraabowgu wuxuu Keeni Karaa:

Waraabowga Waqtiga Uurka la Leeyahay Wuxuu Keeni Karaa:

KA HORTAGGA
Talooyin ku Saabsan sida loo Yareeyo Fiditaanka Waraabowga:

BAARITAANKA
Baaritaan dhiig oo sahlan oo uu qaado takhtarka ayaa lagu ogaan karaa isfiilitada.
Islamarkaasna waxay qaadan kartaa dhowr wiig marka cudurka la qaado ilaa iyo inta ay tijaabadu cudurka ka sheegto.

DAWEEYNTA
Daaweynta Waraabowga:
Cirbado Binisheliin ah waxay 100% wax ka taraan isfiilitada. Dadka xasaasiyada ka qaba Binishiliinta waxaa loo helayaa dawooyin kale oo waxtar leh.
Adigu waa inaadan galmo sameeyn ilaa lagugu cadeeyo caafimaad qab.
OGOW: In daawada ka dib qofku dib cudurka u qaadi karo.

Akhriso jawaabta su'aashaan: Waraabow iyo AIDS xiriir ma ka dhaxeeyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1237.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)