Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on May 13, 2015, 07:15:02 PM

Title: Su'aal: Waa maxay dysto-loges® S?
Post by: Abdi21 on May 13, 2015, 07:15:02 PM
asc walaalaheeyga qaaliga ah waxan rabaa inaan ogaado waxa uu yahay kaniiniga dysto-loges® S mise leeyahay wax side effects ah
 Maxayse tahay goojada la yiraahdo Sab simplex®, 30 ml
Wax side effects ah ma leedahay maxaase loo kala isticmalaa daawooyinkaas mahadsanidii
Title: Re: Su'aal: Waa maxay dysto-loges® S?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:11:55 PM
Waa daawo ay sameeyso shirkad daawo oo denish ah, waxaana lagu daaweeyaa sid ay tilmaamayaan cillada neerfaha ku dhaca, waxayna tilmaamayaan in ay dabiici tahay.

Waa daawo aan la siin karin caruurta 12 sano ka yar, dadka qaarne ay xajiin ama xasaasiyad ku kicin karto.

Waxay kaloo shirkadda ku talinaysaa in aad la xiriirto takhtarkaaga haddii aad uur leedahay iyo haddii aad naasnuujiso oo aadan iska qaadana maadaama aan weli la baarin in ay dhib geysan karto.

Aniga shakhsiyyana ma ahan daawo aan aqoon dheer u leeyahay ama warbixin intaa ka badan aan kaa siin karo, waana daawo Denmarka banaankeeda aadan ku arki karin.

Sidaa awgeed fadlan la xiriir takhtarka kuu qoray haddii aad faahfaahin intaa ka dheer u baahan tahay, midda kale daawo aanan waxyeello lahayn ma jirto ama saameyn "side effects" waana muhiim markasta in aad takhtarkaaga la tashato.

Daawada kale ee simplex® waan garanayaa, waa sharoobo lagu daaweeyo dibbirada oo waxay hawada ama aaryada si dabiici ah jirka uga saartaa adigoo daacsado ama dhuuso.

Waxayna ka samaysan tahay daawo aad loo yaqaanno oo howshaas loogu tala galay, waa daawo ay uureyda iyo hooyooyinka naas nuujiya aya qaaan karaan.

Caruurta yaryar ee calool majiirka ku dhaco khaas ahaan kuwa dhalada caanaha lagu siiyo oo hawada badan dhuuqo waa la siiyaa.

Daawada caloosha iyo mindhicirrada ayay ka howlgashaa oo jirka gudihiisa howl ka ma qabato sidaa awgeed waxyeelladeeda way yartahay.