Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Layla som on January 26, 2017, 07:40:09 PM

Title: Su'aal: Saxaro la'aan in ka badan isbuuc?
Post by: Layla som on January 26, 2017, 07:40:09 PM
asc dhakhtar, su'aal baan qabaa oo aan rabaa inaad tala iga siiso.

su'aasheyda waxey tahay saxaro la'aan in ka badan isbuuc, taaso aan u tagay dhaktar oo ii qoray sharoobo (syrup) aan waxba aan ka faa'idin, hadana la ii qoray kaniini sidii si lamid ah , ugu danbeyn waxaa qaatay goojo taasoo aan ku nafisay, xitaa waan ku dadaalay in aan isticmaalo waxyaalaha cunada ah ee jilacsan, sida: koostada, qamadiga, khudaarta, babyga, sidoo kale biya badan waan cabaa ilaa 5ilaa 3 ltr  24 kii saac waxba igama keenaan ilaa goojada aan isticmaalo mooyaane, saxarada kadib ama inta an gocan waxaan dareemaa xanuun oo xagga iyo xudunta hoosteeda aha ama qaska sida aan u aqaan ama meesha kaadida markey ku heyso soo kiuusata.
marka dr waxaan ahay qof xaas ah oo raba inuu helo awlaad marka waxaan u baahanahy sidii aan iskaga joojin lahaa gooyada ileen waa dawo waxaa laga yaabaa hadii aan uur qaado iney uurkaasi dhibato gaaro. marka taladdada ayaa u baahanay. tahnks alot
Title: Re: Su'aal: Saxaro la'aan in ka badan isbuuc?
Post by: SomaliDoc on May 04, 2017, 11:13:25 AM
Waxaa marka hore haboon in la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambaysa calool fadhiga aad dareemayso, sida dabiiciga ah calool fadhigu ma noqdo wax qofka ku raago, muddo kadib waa laga bogsadaa, laakiin haddii ay xaaladdu noqoto in daawo lagu socdo, waa qasab in baaritaano dheeraad ah lagugu sameeyo sida cudurrada kenei kara calool fadhiga ama haddii xiidmaha caloosha ay cilladi ka jirto khaasatan hadduu qofka dareemayo astaamo kale sida ka muuqato cabashadaada.

Akhriso qoraal ku saabsan waxyaabaha badanaa keeno calool fadhiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=380.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=380.0)