Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Waxbaro! on December 01, 2007, 06:35:26 AM

Title: Guul Laga Gaaray Jadeecada!
Post by: Waxbaro! on December 01, 2007, 06:35:26 AM
Inta u dhaxeysay sanadaka 2000 ilaa 2006-da waxaa si xawli ah hoos ugu dhacay tirada u dhiman jirtay cudurkaan ilaa 90% sida ay sheektay hay'ada WHO.

Talow maxaa keenay in jadeecadu ay ku sii yaraato qaarad awalba hoy u ahaan jirtay cudurkaan?
WHO oo ka jawaabeysa su'aasha waxa ay tiri dadaalo dhawr ah oo isku daba xigxiga oo lagu talaalayo ilmaha si looga hortago cudurkaan ayaa sanadihii la soo dhaafay ka soconayay qaarada afrika, taasoo ay ka qeyb qaateen hay'ado badan maalgalin fiicane ku baxday.

Sanadkii 2000, cudurka jadeecada waxaa u dhintay dad gaaraya 396,000 meesha 2006-da ay u dhinteen 36,000 kaliya, taasi oo ka dhigtay mid aad loogu farxo maxaa yeelay hay'ada WHO waxa u qorshesnaa in hoos noocaan oo kale la gaari doono sanadka 2010-da.

Tani oo noqoneysa markii ugu horeysay oo natiijo laga rabay qorsho cudur ka hortag ay dajisay hay'ada WHO, uu soo hormaro 4 sano.

Hadalkani wuxuu kaloo farxad la qiyaasi karin u yahay dhakhaatiirta afrikaanka ah iyagoo isku raacay in tani lagu gaaray deeqda lacageed ay ha'yadaha caafimaadka ay ku bixiyeen ka hortagga cudurkaan.
WHO oo sheegtay inay ku baxday lacag dhan 475$ million oo dollarka mareykanka ah taasoo ku caawisay 46 wadan inay cudurka jadeecada ka tallaalaan tiro gaareysa 5 million oo caruur ah.

Waxbaro!
Title: Re: Guul Laga Gaaray Jadeecada!
Post by: Khalidyare on April 01, 2018, 11:15:38 AM
Asc dhamaan waxaan aad ugu mahad celinayaa dhaqaatiirka qayb qaatata diyaarinta iyo ka jabista su aalaha halkaan lagu soo bandhigo iyo sida Wacan ee aad u caawisaan dadka ku xiran web side kan . intaa ka dib  waxaan aad idinkaaga codsanaya adinkoo raali ah in aad dib e eegis ku Sameesaan  qoraalada afsomaliga ah siiba xarfaha badana waxaan arkaa xarfo qalada ah ama isbada marsan taa oo aan garan waayay waxaana keenta badana qoraalka boobsiiska ah please dib u eega si aanu u garano kama hadlayo dawooyinka ama cudurka magaciisa ee ku qoran af ka Qalaad ee waxaan ka hadlaaya afsoomliga qoraalkiisa marlabaad aadbaan ugu farxsanahay ilaahayna qeer ha idinkugu badalo  dadaalka aad Wadaan Marwalba