Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhalha on June 28, 2020, 02:00:39 PM

Title: Su'aal: Madax wareer?
Post by: Dhalha on June 28, 2020, 02:00:39 PM
Asc banda Somalidoc dhakhaatiirta iyo inta ku xiranba, marka xigto waxaan dhakhaatiirta oga mahad celinayaa dadaalka iyo sida hagar la'aanta ah ay noogu shaqeeyaan Alle ajir haydinka siiyo.

Waxaan dhakhtarka waydiinayaaa maxaa keeni karo in mararka qaar markaad hurdada si lama filaan ah lagaaga kiciyo ood naxdid kadibna aad wareer,  lalabo iyo aragti yari isku aragtid heer adi dhan aad toos u taagnaani kari waysid marna ay saacado kugu qaadato inaad caadi kuso noqotid ama maalinba. Xanuunkaasna waa mid soo noq noqday marar kala duwan waxaana isku arkay markaan hurdada kaso kacayo weliba si lama filaan ah , fadlan waxa keeno iyo qaabka loo daaweeyo baan jeclaan lahaa in liiga caawiyo.
Mahadsanidiin