Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: Abdisagene on July 15, 2012, 10:00:52 PM

Title: Su'aal: Isxogxoga jirka?
Post by: Abdisagene on July 15, 2012, 10:00:52 PM
scw. salan kabacdi walaalalayaal waxaa qabaa su aal kusaabsan isxoqa jirka oola xogoilaa dhiig kayimaado waan lakulmay dhqaqtar waxna waa kaqabanwaayey markii danbe ayuu iidireymid kutaasusay axanuunkan waxa ii soo qoray daawo aan kuhilmaamo xanuunka xanuun baabiye.hadana daawadii ayaan qaataa saasaan kunoolahay hada
hadaba walaalayaal talo ayaan kabaahanahay maxaan sameeyaa. mahadsanin dhmaatiinJZQ. WBT.SCWW
Title: Re: Su'aal: Isxogxoga jirka?
Post by: SomaliDoc on November 03, 2012, 10:01:27 AM
Isxoqidda waa cabashada ugu badan oo loolo tago takhaatiirta ku taqasustay cudurrada maqaarka.
Badanaa waxaa keena illaa afar shay:
1- Mid ka mid ah cudurrada maqaarka ku dhaca
2- Cudur guud oo jirka kale ah oo aana xiriir la lahayn maqaarka sida xamiitada oo jirato ama xiranto
3- Cudur neerfaha la xiriira oo qofka uu dareemayo cuncun siyaado ah iyadoo aysan jirin dhibaato xaga maqaarka ama xubnaha kale ee jirka
4- Cillad la xiriirto cudur maskaxeed oo qofka ka dhaadhacsan tahay in uu is xoqo isagoo maskaxdiisa ka dareemayo in jirka uu cuncunayo ama ay wax ku hoos socdaan ama wax kalabe ha dareemee.

Marka si loo daaweeyo cabashadaada waa in marka hore la ogaadaa waa noocee cillada jirta waxaana sheegi karo kaliya takhtar aqoon fiican u leh cabashadaada ee mahan mid bukaanka uu garan karo.

Sidaa darteed waxaad ii sheegtay in aad la xiriirtay takhtar laakin nuuca uu ahaa nooma sheegin.
Midda kale waxaad noo sheegtay in aad is xoqxoqdo laakin wax astaamo kale oo la socdo arintaas oo na dareensiin karo cillada halka ay ka jirto nooma aadan sheegin sida haddii cillada maqaarka ay tahay ma waxaa jirot maqaarka is badal ka muuqdo? ma qalalan yahay? ma nabaro ayaa ka muuqdo? ma midabka meelo ka mid ah oo iska badalay miyaa jiro?
Haddii xitaa ay la xiriirto daawo aad horay u qaadatay maxaayeelay waxaa jiro daawooyin keeno dhibaatadaan?

Marka fadlan noo sheeg, calaamadaha kale ee la scodo cuncunkaan ama is xoqa aad ka cabanayso si aan fikrad uga qaadanno.

Haddii kale la xiriir takhtar guud si uu kuu wiisiteeyo kuuna wareesto kadibna takhtar arintaada wax ka qaban karo kuugu diro.

F.G: Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Xajiinta ama Cuncunka guud waxa ay tahay iyo waxa keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html)