Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Dr.Sharbele on April 11, 2009, 05:40:21 PM

Title: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: Dr.Sharbele on April 11, 2009, 05:40:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/fircooni.jpg)

Sideynu ognahay ummad walba waxay leedahay dhaqan iyo caado, mararka qaar waxay noqon karaan dhaqamadaasi kuwa waxyeelo ba'an u geysta caafimaadka bulshada. Gudniinka Dumarka (Fircooniga) wuxuu ka mid yahay dhaqamada soojireenka ah ee soomalidu joogteeysay.

XAGEE KASOO JEEDAA GUDNIINKA FIRCOONIGA?
Waxa la sheegaa inuu gudniinkani bilowday waqtigii Faraaciinta Masar, ka dib markii reer Bani-israa'il oo waqtaasi la gumeysan jirey nin faalalow ahi u sheegay boqorki xilligaas inuu talada kala wareegi doono wiil ka dhalan doona dadka ay gumeystaan. dabadeedna uu amar ku bixiyey in la (gudo) oo la tolo dhamaan naagahooda, waxana muhiimadaasi qabanayey Umulisooyin la shaqeenayey boqortooyada, si loo kantaroolo guur-kooda, uurkooda iyo dhalitaankooda, ka dibna wixi wiil ah oo xiligaasi dhasha lagu amri jirey in la dilo.

 WADAMADA LAGA ISTICMAALO GUDNIINKA FIRCOONIGA
Wadamada isticmaala dhaqankan waxa ugu horeeya Masaarida iyadoo ah meeshii ay ka bilaabatay inkastoo sanadihii u danbeeyay ay hoos udhacday tirada dadka isticmaala oo gaartay ilaa boqolkiiba 54%.
Wadanka SUDAN oo deris la ah dowladda Masar isagana aad baa looga isticmaalaa waxay gaareysaa ilaa boqolkiiba 80%.
Somaliya: wadankeena isaga waxay uga timid dhanka masaaridda, walow ay hadda somalidu yihiin dadka ugu badan ee isticaamaala gudniinkaas tira-koobkii u danbeeyay oo sheegaya in kabadan boqolkiiba sagaashan 90%. waxaan iyagu haba yaraatee isticmaalin Gudniinkan wadamada Islaamka iyo kuwa carabta, taasoo ku tusineysa inan diinta islaamka lagasoo gaarin.

NOOCYADA GUDNIINKA
Waxa loo qeybiyaa ilaa 3 nooc
1.Waxa la jaraa Kintirka (Clitoris).
2.Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora  &  Labia Majora).
3.jaridda kintirka + faruuryaha + tolliin.

Saddexdaasi nooc ayaa intaba laga isticmaalaa soomaliya, inkastoo nooca u danbeeya aad looga isticmaalo waddanka SUDAN.

DHIBAATOOYINKA GUDNIINKA
Aad ayay u fara badan yihiin, waxa loo kala qaadaa laba nooc.

A- Dhibaatooyin soo deg-dega:

B- Dhibaatooyinka Mustaqbalka:

FAA'IIDADA UU KINTIRKA U LEEYAHAY DUMARKA
Waxan shaki ku jirin in waxkasta oo ilaahay abuuray uu xikmad iyo macna weyn ku fadhiyo, Dhakhaatiirka anotimiga waxay sheegaan inuu kintir-ku u dhigmo qooraha ragga, waayo wuxu leeyahey Nerve iyo xididdo, waxyaala uu qabtana waxa ka mida, inuu Siilka (taranka dumarka) u yahay dabool, marki la jarana waxa dhici kara iney bekteeriyo iyo jeermis fara badani u godbo ilma-galeenka.
Waxuu kaloo ka qeybtaa dareenka galmada, oo haddii la jaro way yaraataa himmada haweenta.

DHAQANKA SOOMAALIDA IYO FIKIRKA KU AADAN GUDNIINKA
Dad badani waxay ku doodaan in aan laga tegin dhaqankaan, waxayna aamin-sanyihiin inuu fa'iido u leeyahay dhalinta, gaar ahaan gabdhaha, iyagoo ku andacoonaya in gudniinka lagu ilaalinayo Gabar-ahaanta hablaha.
Halka qaar-kalena rumeysan yihiin iney tahay wax-diini ah oon laga tallaabsan karin marna, sidoo kale waxa jira soomaali badan oo qabta inuu yahay kintirka dumarku (Najaaso) ama cad xun, sidaa darteedna ay ceeb tahay i gabari noqoto kintirleey.

HADABA FADLAN KA DHIIBO WIXI FIKIR AH, IYO SIDA UGU HABBOON EE LAGU WACYI GELIN KARO BULSHADEENA SOOMAALIYEED.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA:
Post by: Abdullahyare on May 10, 2011, 01:29:26 PM
Waxaan rabaa inaan wax yar ka jaahil baxo sedexda nooc aad u qeybiseen Gudniinka:-

1. waxa la jaraa Kintirka (Clitoris)=    kan ma waxaa ula jeedan kan Sunniga la yiraahdo??????


2.Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora  &  Labia Majora).   =kan labaad maxa waxaa u la jeedan ka la yiraahdo Suno kabiir.


3.jaridda kintirka + faruuryaha+ tolliin    =kane ma waxaa u la jeedan Fircooniga nooca ugu xun. ama kan fircooniga saxda lagu tilmaamo.

Waad mahadsantihiin.


Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA:
Post by: SomaliDoc on May 11, 2011, 02:42:40 PM
Sadaxda nooc aad xustay waa gudniin fircooni ah.

Gudniinka sunniga waa in wax yar laga saro qeybta kore oo aadka ugu dhaw kintirka.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA:
Post by: CilmiSabca on September 26, 2011, 03:36:37 PM
Asc. Haddii doodaan wax yar oo faalo ah ku darsado, waa na kan.
Marka hore waa loo baahan yahay dooda noocaan ah.
Marka xigta, waxa la arka gabdho la leeyahay "waa shar muutooyin" waxana ka muuqata calaamadaha lagu garto dareen badnaan, marka haddii su'aalo la iska weydiiyey waxaa la ogaaday in ay san gabdhahaasi gudneyn 'bootin dheeraa!'
Marka la is bar bar dhigo gabdhaha la guday & kuwa aan la gudin waxa la ogaaday in ay degan yihiin kuwa gudan. Aniguna ma taageersani gudniinka culus iyo kintirleyda kulul, waxaanse raacsa nahay habka sunniga ee saxda ah. Dad ayaana diidan gudniinka sidiisa ba, hase ahaatee iyagu ba gabdhahooda wey gudaan!.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA:
Post by: Somali_Nabad on November 13, 2011, 01:58:50 PM
asc, bacda salaan waxaan idin suaalayaa arrin mawduucan la xiriirta, waxayna tahay gabadha hadii loo gudo sida ugu dambaysa ama qodobka sadexaad ee halka sare aad ku sheegteen (gudniinka culus) ma hubaal baa in aysan wax hamad ah lahayn mise qaar ka mid ah oo himad kacsi leh ayaa jira?. waad mahadsan tihiin walaal.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA:
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 09:44:54 PM
Haddii qaabka sadaxaad gabadha loo gudo, waa hubaal in dareenka kacsiga uu yaraado, waa laga yaabaa in waxyar ay dareento laakiin badanaa dhibaatooyinka kale oo kor ku xusan ayaa ka daran.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: Umu Cabdul Waduud on May 12, 2015, 11:09:17 PM
Asc, alle ha kaa ajar siiyo walaal. su'aal ayaan qabay ku saabsan arinkan.
Hadii lagu ilaawo gabadha ceengerikii lagu tolay oo uu ku jiro eyna ka dareento mar marka qaarkii  xanuun iyo barar, muxuu dhibaata mustaqbal ah u keeni karaa ceenkerikaas maxaase kula talini leheed?
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:29:24 PM
Haddii cingeriga u uqofka dareemayo ama xanuun iyo barar ku haayo waa in laga saaraa, waxuu isku badali karaa nabar ama caabuq ama cillad kalaba wuu keeni karaa, inkastoo takhaatiirta qaar ay yiraahdaan waxyaabaha qaar oo jirka ku dhex milmo kansar ayay keeni karaan laakiin wax la hubo maahan.

Taladayda waa in takhtar u tagaa qofkaa si cingeriga uu dareemayo looga saaro.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: Umu Cabdul Waduud on May 22, 2015, 05:15:23 PM
Alle ha kaa ajar siiyo
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: Dr.Sharbele on July 17, 2016, 10:05:04 AM

Waxaan Cilmi-baaris ku sameeyay Hababka Loo joojin Karo Gudniinka Fircooniga ah,
Natiijadii Kasoo baxdayna Waan idinla Wadaagi doonaa Dhowaan  Insha Allaah.
Title: Re: GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA
Post by: Asia on February 04, 2017, 04:14:43 PM
Allaha kaa jazaaid siiyo wll
Su aashyduna waa sida tan
Hadii  gabadha laga jaro afka yar ee clitorska oo kaliye wax kalena lagu sameyn ka wrn ma dareemi kartaa