Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abumohamed on August 03, 2013, 06:03:04 PM

Title: Su'aal ku saabsan xundhurta ama xudunta?
Post by: Abumohamed on August 03, 2013, 06:03:04 PM
Salaamu calaykum
RAMADAAN KARIIM DHAMAAN SHAQAALAHA somalidoc :)

Walaalayaal waxaan qabaa laba suaalood oo ku saabsan caafimaadka.

1. Xundhurta ama xudunta oo xanuunaysa qof aan isku dhawnahay kana cabanaysa in mudo gaadhaysa 14cisho ah da'aduna tahay 22 jir. Taas oo xudhurtu keenaysco wax sida dheecaanka oo kale ah ama biyo oo kale ah oo ka socda xudunta ur aan ubadana leh runtii urtaas wax aan ku cabiri karo maleh waa ur badan. Midabkuna waa mar cad iyo mar huruuda xanuunbadan malaha laakiin urtaas ayaa badan. Dr. Maxaa keena ama keenikara? Malagayaabaa inuu xanuuno waaweyni keeniksraan? Laakiinse maxaa lagu daweeyaan?

Su'aashayda labaad.
2. Maxaa lagu daweeyaa ama lagula tacaalaa biysha ama manida raga oo yar? Dr. Biyaha raga maalinwalba utagaya xaaskiisa haday yar yihiin ma keenikartaa uur biyaha oo yar awgeed? Dr. Majiraa cuntooyin ama cabitaano badiya biyaha raga maalinwalba utaga dumarkooda? Caafimaad ahaan ma fiican tahay inaad naagtaada u tagtid halmar maalintii?
Title: Re: Su'aal ku saabsan xundhurta ama xudunta?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2013, 11:52:29 PM
Xudunta oo dheecaan ur leh ka socdo ma ahan wax sahlan ee la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan, waxay noqon kartaa infekshan ay qaaday ama in caloosha ay ku furan tahay oo fistula samaysatay.

Mida labaad, maxaa u la jeedaa mani yari, ma biyaha ayaa yar mise shahwada biyaha ku jirto tira koobkeeda ayaa yar?
Title: Re: Su'aal ku saabsan xundhurta ama xudunta?
Post by: Abumohamed on September 02, 2013, 01:56:58 PM
Waxaan u jeedaa Biyaha ayaa yar.  ee Maaha xajmiga ku jira.......

maxaa keena inuu biyaha uu yaraado?

maxaa lagula tacaaalaa inuu biyuhu bato?

Title: Re: Su'aal ku saabsan xundhurta ama xudunta?
Post by: SomaliDoc on November 05, 2013, 12:33:26 PM
Fadlan mida mani yarida la xiriir takhtar si loo baaro biyaha.

Shahwada waxaa jiro cabiro laga rabo in ay keento hadii ay noqoto tayada, cabirka, xajmiga iyo waxyaabo kale, kadib ayaa laguu sheegi karaa dhibka meesha uu ka jiro.