Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeqcali on November 28, 2010, 07:58:51 AM

Title: Su'aal: Xaniinyaha oo i hura?
Post by: Deeqcali on November 28, 2010, 07:58:51 AM
Asc ww salaan ka dib Waxaan isku arkaa qooraha oo i hura iyo xididka ka yimaada dabada kuna xerma qooraha oo aad moodo inu cabursan yahay waxan ka dareemaa hur iyo cabursanaan markey biyaha iga baxaana waxaan ka dareemaa xanuun u eg hur maxaa sababi kara wabillaahi towfiiq
Title: Re: Su'aal: Xaniinyaha oo i hura?
Post by: SomaliDoc on November 30, 2010, 06:54:43 PM
kaadida ma ku gubtaa ama ku xanuunjisaa?
Kaadida ma kugu istaagtaa ama tistisleysaa?
Qooraha ma bararaa ama ma leeyahay burtuqyo?
Title: Re: Su'aal: Xaniinyaha oo i hura?
Post by: Deeqcali on February 28, 2011, 12:15:27 PM
 ???
Title: Re: Su'aal: Xaniinyaha oo i hura?
Post by: Deeqcali on February 28, 2011, 12:22:38 PM
Ma qabo barar iyo burtuq iyo kaadida oo biriqeysa intaba balse inta badan marka aan biyo baxo ayaan dareema xooga xanuun ah oo aan ka dareemo dabada iyo xiniinyaha inta u dhaxeyso mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xaniinyaha oo i hura?
Post by: SomaliDoc on March 07, 2011, 05:59:57 PM
Inta u dhaxaysa dabada iyo qooraha oo ku xanuunta ama bararta waxay calaamada u tahay caabuqa qanjirka borostaytka ee halkaan ka akhrios dhibaatooyinka borostaatada iyo daawadeedaba.

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ku sii weydii.