Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on March 19, 2017, 03:51:29 PM

Title: Su'aal: 13 jir baa mudo dhiig ka soconayey?
Post by: Kaltuun on March 19, 2017, 03:51:29 PM
dr inan yar aan habo u ahay oo 13years jirta baa mudo dhiig ka soconayey awal cadadii ban moodnay hadase maba kala jogsanayo mudo sadex bil ah family danyara bay ka dhalatay uma saamixin waqtigu inay dhakhtar la kulanto maxaad nagula talinaysaa dr adoo mahadsan maxaa keeni kara xanun aan ku ognahy yarta waxa jira nabaro dheecan leh oo kasoo baxa adimaha iyo gacmaha markay xoqdona madobada marka ma lays dhihi karaa infectionkas ba keenay dhiigan iska socda.
Title: Re: Su'aal: 13 jir baa mudo dhiig ka soconayey?
Post by: SomaliDoc on June 21, 2017, 02:49:20 PM
Walaal, waa in gabadha dhakhtarka haweenka si dhakhso ah loo tusaa, 3 bil oo dhiig joogot u socday maahan wax sahlan oo dhiigbax iyo dhiig-yari ayay halis ugu jirtaa, midda kale caadadu markay cusub  tahay hadday kala joogsan wayso waxay ka dhalataa cillad qanjirrada hormoonka soo daayo oo aan wali qaan-gaarin, laakiin baaritaano ayay u baahan tahay.