Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on May 02, 2011, 08:25:24 PM

Title: Su'aal: wiil yar oo 3 sano iyo bar jira oo sanku cabudh sanyahay?
Post by: Gantaal on May 02, 2011, 08:25:24 PM
Asalamu calaykum salaan kadib walaal idinkoo mahadsan su aashaydu waxaa weeye wiil yar oo 3 sano bar jira oo sanku xiranyahay macnah marwalba cabudhsan iyo hindhiso badanleh iyo diif mar mar ka qaar habeenkii wuu soo toosaa sanka ooxidhan dartii  kadibna sanka laga nadiifiyaa qolof isku xirtay  marka walaal yaal    maxaan kula tacaalaa waad mahad santihiin
Title: Re: Su'aal: wiil yar oo 3 sano iyo bar jira oo sanku cabudh sanyahay?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2011, 07:38:39 PM
Sanka imisuu xirnaa?
Neefsashada ma dhibtaa? Afka ma ka neefsadaa?
Habeenkii ma khuuriyaa?
Ma markuu hergab ku dhaco ama burkiito muu saa noqdaa mise sidiisaba wuu xiranyahay sanka?
Sanka qaabkee looga nadiifiyaa? ma laga buufiyaa? mise qolfaha ayaa faraha looga soo jaraa?!
Ma wax muuqda oo sanka xiray ayaa jira sida cad hilib oo kale mise dulka sanka waa nadiif?
Title: Re: Su'aal: wiil yar oo 3 sano iyo bar jira oo sanku cabudh sanyahay?
Post by: Gantaal on May 06, 2011, 08:18:29 PM
Walaal waad mahad santahay  waxaa lahayaa 2 sano  lamana buufinin e waxaan ku nadiifinaa tiish neef sashadu way dhibtaa afkana wuuka neefsadaa marka  uu seexdo wuu khuuriyaa ka dibna candhuufta yuu ku saxdaa oo wuu qufacaa  waxaa kale sanku wuu cun cunaa wuuna hindhisaa fartana kama uudayn karaayo  =  walaalayaal  allaah ha idin xifdiyo aakharo iyo aduunkaba waadna mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: wiil yar oo 3 sano iyo bar jira oo sanku cabudh sanyahay?
Post by: SomaliDoc on May 11, 2011, 03:13:35 PM
San cabudh (Nasal Congestion) iyo San xiran (Nasal Obstruction) waa cillad aad ugu badan caruurta, waxaana keeni karo waxyaabo badan oo isugu jira wax sahlan iyo wad nafta halis galin kara.
Badanaa nuunaha qabo san xiranka wuxuu dhib ku qabaa sidii uu naaska u dhuugi lahaa taasoo u keenta in naqaska ku xirmo oo sanbabada ka jirrado meesha caruurta waaweyn uu dhib sahlan ku hayo.

Caburnaanta sanka waxay xiriir la yeelan kartaa dhagaha, maqalka iyo korriimada hadalka. qaar waxay dhibaato u geysataa hurdada taasoo ay khuuriyaan ama ku sixdaan calyadooda ama matag la soo toosaan, waxay kaloo keentaa neef-joogsiga hurdada "Sleep Apnea" taasoo hawada oksajiinta ku yaraysa jirka kadibna hawlgab wadne ay keento.

Waxyaabaha caburnaanta keeno waxaa ka mid ah:
- Xajiinta (sanboorka)
- Hargabka ama ifilada
- Qanjirka 'adenoid' oo barar
- Quumanka
- daawooyinka qaar sida "Flomax"
- caabuq san-qaroorka (sinusitis)
- Fiix sanka ah (nasal polyp)

Daaweynta waxay xiriir la leedahay waxyaabaha keenay cabudhka sanka.
Ifilada iyo hargabka waa wax iska baaba' waqti kadib oo wax daawo uma baahna.
Haddii ay tahay cuncun ama xajiin sanboor ah waa in laga fogeeyaa caruurta waxa ku kicinaya xajiintaa. xajiinta noocaan waxay noqon kartaa mid dhaxal ah oo waalidku in ay qabaan iyagane way suurowdaa sanboor, neef ama cuncun kalaba -tani daawooyin xajiinta ka hortaga ayaa lagu daaweyn karaa.
Hadii cunuga uusan la neefsan karin cabudh dartiis waa in sanka la dhadiifiyaa iyadoo la adeegsanayo wax sanka lagaga nuuqo caruurta cabudhsan oo loo yaqaanno "Nasal Aspirator" maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in diifka uu adagyahay ama aad ugu dhagay gudaha oo caruurto soo saari karin.
Haddii ay tahay caabuq san-qaroorka ah waxaa lagu daaweyn karaa iyadoo la qaato daawo caabuqa loogu tala galay.
Haddii fiix ka soo baxday ama cad hilib ah isku xiray marinka sanka waxaa lagu xalin karaa qalliin lagu sameeyo.

TALO:
Si aad u ogaatid waxa sanaka ka caburiyay cunugaaga la xiriir takhtar ku taqasusay "sanka, dhagaha iyo cunaha E.N.T Specialist".

Haddii aad qabtid su'aal dheerada ah waad na weydiin kartaa.
SomaliDoc (http://www.somalidoc.com)