Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdoow on January 10, 2012, 01:36:35 PM

Title: Su'aal: Fiistolo?
Post by: Cabdoow on January 10, 2012, 01:36:35 PM
dr. a/c
waxan qabaa su aal kusaabsan xanuun ah nabar kasoo bax ah oo dabada afkeeda meel kudhow kasoo baxay oo kadibna dilaacay
markii uu dilaacay waxaan qaatay qalajiyeyaal noockasta ah mudo sanad ku dhow hase yeeshee wax waa iga tari waayay oo nabarki wali wuu bukaa. dheecaan ayuu leeyahay dhiig xinjiro ah ayaa ka imaanaya wayna xanuunaysaa marka aan istaagnahay.waxaan utagay dhakhtar .wuxuuna yiri(nabarkan afkan maahee af kale ayuu wuxuu kuleeyahay gidaha waana wax sidi tube oo kale ah dheecaankuna wuxu ka imaanayaa gudaha qalajiyayaashuna magaarayaan marka waxaa lagu daawayn karaa qaliin...
Title: Re: Su'aal: Fiistolo?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2012, 02:23:24 PM
Fistula waa marin jirro keentay oo ka samaysmo laba xubnood, waxay noqon karaan laba xubin kasto waxayna saameyn karaan habdhis kasto oo jirka ka tirsan, fistula sideedaba waa qalliin oo marinkaas suubsamay in la daariyo oo la xiro maahinee daawo qallajiyo ah wax ka tari mayso.

Marka talo ahaan la xiriir takhtar qalliin fistulada yaqaanno si laguugu suubiyo.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na weydiin kartaa.