Somali Medical Forums

General Discussions => New Members => Topic started by: AM on February 07, 2008, 02:41:57 AM

Title: السلام عليكم
Post by: AM on February 07, 2008, 02:41:57 AM
Dhamaantiin Waad salaamantihiin,

Aadbaan u jeclahay inaan la kulmo ama xidhiidh la yeesho dhalin yarta soomaliyeed meelksata oo aduunka ka joogaanba, maanta waan ku cusubahay halkan laakiin waxaan jeclahay inaan wax badan kala faa'iideysan doono hadii eebe ka raali nodo.

Waxaan marka hore idiinku bushaareynayaa inaan hadiyad idiin hayo taas oo aan aad ula jeclahay walaahayga aan diinta islaamka ku walaaloownay marka labaad aanu isku dhiiga iyo isku midabka nahay, wiil iyo gabadhba.

Hadiyaduna waa sidan faahfaahinteedu:

1 DVD Ka kooban:

Tafsiirka Qur’aaka 114 ka suuradood (Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Tafsiirka Qur’aanka 114 (Sh. Cusmaan Cali Xusseen)
Quraanka Kariimka ah oo dhagaysiya 114 (Shaikh Abd-ur Rahman As-Sudais & Shaikh Su'ood As-Shuraim)
Al-Jasiiriyah (Culuumul Qur’aan) Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
250 Muxaadaro oo Soomaali ah
Taariikhda Asxaabt Rasuulka ( S.C.W.)
English Lecturers (Muxaadaro)
Kitaabka Saxiix Bukhaari (Sh. Shariif Cabdi Nuur)
Kitaabka Islaaxul Mujtamac ( Hagaajinta Bulshada) Sh. Boqolsoon.
Khulafatul Raashidiin (Abuubakar & Cumar, R.C.) Sh. Aadam Xajji.
Kitaabka Sifatu Salaad (Sh. M. Umal )
Kitaabka Siiradii Rasuulka (S.C.W) Sh. Mustafa X. Ismaaciil.
Su’aalo & Jawaabo (Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir).
Kitaabka Tawxiidka (Abu Khaalid Kaarshe).
Kitaabka Xadiis Arbaciinka (Sh. Cumar Faaruuq).
Gabayo Diiniyah oo Macaan.

Fadlan badi oo dadka siigaadhsii DVD yadan Alle dartiis.

Waxaan idinka rajeeynayaa inaad iga dalbataan qalabkan bilaashka ah anigoo Ilaahay ajar iyo xasaan ka rajeynaaya rabana inaan walaaladay lajeclaado waxaan jeclahay.

waxaad ka dalban kartaan www.alimuse.com buuxi form ka Contact us ama email iigu soo dir Address ka aad dagan tahay kadib waan kuu soo diri doona hadii Eebe idmo.