Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan-Deeq on March 07, 2011, 08:52:59 PM

Title: Su'aal ku saabsan Hurdada dhexdeeda
Post by: Hassan-Deeq on March 07, 2011, 08:52:59 PM
Asc wr wb dhamaan dhaqaatiirta iyo akhrisataashaba salaan kadib waxaan isku arkaa habaynkii markaan seexdo candhuuf afka iiga soo buuxsanta taasoo marmar igu keenta in aan ku saxdo oo aan hurdada kasoo boodo anigoo qufacaya marka waxaan rabay in aan ogaada sababta keenta iyo qaabka la isaga dawayn karo ? aad ayaad u mahadsan tihiin doctorska sharafta badanoow sc wr wb
Title: Re: Su'aal ku saabsan Hurdada dhexdeeda
Post by: SomaliDoc on March 09, 2011, 10:43:45 PM
Candhuuf badax oo ku sixato waxaa keeni karo dhowr cudur oo kala duwan.
Waxaa keeni kara cudur ka mid ah cudurrada ku dhaca marinka hawada ee kore sida quumanka, qanjirro xanuunka, dhuun xanuunka iwm.
Waxaa keeni kara in ilkaha ama ciridka aad ka jirantahay.
Waxaa keeni kara in aad qabto laabjeex oo biyo kulul ay kugu soo rogmadaan.
Waxaa keeni kara in aad qabto dhibaato la xiriirta hurdada sida in naqaska uu ku dhago xilliga hurdada ama aad caburantid.
Waxaa keeni kara in qanjirradaada soo saaro calyada ay aad u shaqayanayaan.
Waxaa keeni karo in aad qabtid dhibaato ama culeys wax laqidda ah oo calyada afkaaga ay ku aruurto, sida caadiga ahne qofka intuu hurdo calyo afkiisa way soo gashaa laakiin waa wax yar oo isagoo hurdo ayuu qofka liqaa.
Waxaa keeni karo in ay jiraan daawooyin aad qaadatid taasoo badisa candhuufta marka aad hurdaysid.
Waxaa dhici karto in candhuufta badan oo aad ku sixinayso aysan xiriir la laheyn xilliga hurdada kaliya laakin sidaadaba aad candhuuf badantahay laakiin marka aad soo jeedid aadan dareemi karin maadaama aad liqaysid.

Si loo ogaado waxa keenayo dhibaatada aad ka cabanayso, loona kala saaro cudurkee kuu keenay candhuuftaan badan la xiriir takhtar.
Title: Re: Su'aal ku saabsan Hurdada dhexdeeda
Post by: Hassan-Deeq on March 10, 2011, 03:56:20 AM
asc wr wb salaan kadib aad ayaan idiinku mahad celinayaa dhamaan dhakhaatiirta webkaan ka howlgasha gaar ahaan walaalka su'aalahayga iiga soo jawaaba sida waafiga ah iyo waliba hagar la'aanta ah ee aad iigu soo jawaabteen aniga iyo dhamaan shacab weynaha webka ku xiran run ahaantii webkiina aad ayaan uga faa'iiday waxaan idiinku abaal gudo magaranayo waxaanse ilaahay idiinkaga baryayaa in uu miisaankiina xasanaadka idiin saaro maalinta qayaame sida aad ugu tabarucdeen bilaa lacag la'aan cilmiga caafimaadka ee ilaahay idin baray iyo sida aad ugu faa'idaysaan walaalihiina somaliyeed aad ayaad u mahadsan tihiin mar kale WABILLAAHI TOWFIIQ WSC WR WB.