Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hirabey on January 07, 2017, 02:02:05 PM

Title: Su'aal: Buro/kuus xiniinta ku yaal?
Post by: Hirabey on January 07, 2017, 02:02:05 PM
 ??? ????.
?????? ?????

    Salaan ka dib , waan u mahad-celinayaa dhakhtarada fursadaan na siiyey.
   Su'aasheydu waxa ay tahay nin ayaa xiniinta midig muddo gaadheysa laba  sanadood waxaa uu isku arkey kuus yar oo faryarada caaradeeda hore le'eg , markaan weydiiyey wuxuu ii sheegay inuu mar qura ku baraarugey kuuskaas xiniinta kaga yaal ee aanu gadhaneyn kolkey kasoo baxdey .
Hadaba xanuun sidaa ah kuma hayso , marmar dhif ah ayuu garaacis aan sidaa usii darneyn ka dareemaa ayaduna waa iska baana'daa laba ama sadex maalmood kadib , mana laga dareemayo wax sii weynaansho ah ama barar xiniinta guud ahaan ka muuqda , waana illaa 43 sano jir xaas iyo caruur leh .
Title: Re: Su'aal: Buro/kuus xiniinta ku yaal?
Post by: SomaliDoc on May 26, 2017, 08:27:07 PM
Qaabka aad u tilmaamaysid waxay u eg tahay, xanuunka loo yaqaano "Varicocele", taasoo ah in xididada qooraha ku jiro uu dhiig ku xirmo, markaas waxay yeelataa kuuskuus la dareemi karo, laakiin way baaba'daa, wax dhib ahne ma keento, halkaan ka akhriso qoraal aan uga hadalnay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)