Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fadumoxasan1 on January 03, 2017, 05:37:03 PM

Title: Su'aal: Wuxuu lahaan jiray gooryaan madmadow?
Post by: Fadumoxasan1 on January 03, 2017, 05:37:03 PM
Asc Dr ilahay haka jisasiiyo khayrka bulshada u haysan su aashaydu waxay thy waxan haysta lapa wiil ka wayn wuxu lahan jiray goryan mad madoow oo fara badan ila sanad bu kaso dadanayaay xarkuna so raci jiray hadana wilki ka yara ayan ku arkay isago lixbilod jira kayar misankisii wu dhacay finan baa ka so baxa xogna wu u dhuptay wuna mataga dhakhtar markan geyay oo saxaradisa la baray waxay leyihiin goryan kuma jiro marka MA hida goryankasi maxa kena nafaqo darida MA isaga ugu wacan mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Wuxuu lahaan jiray gooryaan madmadow?
Post by: SomaliDoc on March 31, 2017, 07:31:05 PM
In gooryaan ay tahay way dhici kartaa, inaysan ahaynne way dhici kartaa sababtoo ah cunnooyinka qaar sida mooska oo kale waxay saxarada soo raaciyaan wax sidii duntii oo kale oo madmadaw, waxayna hooyooyinka badanaa ku qaldaan gooryaan.

Haddii uu noqdo gooryaan, cunuga wuu lahaan karaa nafaqo darro, sidaa darteed waxaa haboon in cunuga laga baaro waxyaabo dhowr ah oo keeni karo mataga iyo dhafaqa darrada.

Fadlan la xiriiri dhakhtar ku takhasusay cudurrada caruurta.