Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: Jamaaluddiin on March 03, 2016, 08:56:09 PM

Title: Cudurka xiiq dheerta
Post by: Jamaaluddiin on March 03, 2016, 08:56:09 PM
Cudurka xiiq dheerta:

cudurkani wuxuu ka mid yahay cudurada faafa waxaana keeno bacteriya la yiraahdo Bortdella pertussis.

bacteriyadani waxay leedahay qaab dhuubni iyo kuuskuusni isugu jira waxayna qaadataa midabka casaanka markii lagu midabeeyo midabeeyaha loo yaqaano Gram's stain waa nooc bacteriyada ka mid ah oo hawo u baahan si ay ugu korto walxo la sameeyey oo loogu talo galey bacteriyada inay ku taranto (culture media).

Waxaa la isugu gudbiyaa hawada; qofka markuu hawo ahaan u qaato waxay qabsanaysaa ama ay ku dhegeysaa derbiga dhuunta hawo mareenka waxayna soo deysaa sun lagu magacaabo Cytotoxin taasoo dhaawacaysa hawo mareenka iyo sun lagu magacaabo Pertussis toxin taasoo iyana kordhinaysa tirada unugyada lagu magacaabo Lymphocytes kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad waxayna ka qeybqaataan la dagaalankeeda intaasi kadibna waxay keentaa dhaawac sambabada ah, suuxid, dhaawac maskaxda ah iyo dhimasho

3 qaab ayaa lagu baaraa
* in marka hore dheecaan laga soo qaado sanka godadkiisa sare iyo sanka iyo dhuunta meesha ay ku kulmaan kadibna waxaa lagu koriyaa walxo gudahood laguna aqoonsadaa meeshaas
*in dheecaanka lasoo qaadey laga dhex aqoonsado iyadoo lagu midabeynaayo midabeeye loo yaqaano immuno flourescent staining
*in qofka dhiigiisa laga raadiyo wax iyada si gaar ahaan lid ugu ah (antibodies)

Waxaa lagu daaweeyaa qallajiyaal ama antibiotic oo ah Erythromycin, Cephalosporin, iyo cotrimoxazol

Waxay leedahay talaal looga hortago kuwaasoo kala ah
*whole cell-1930's waa midka ugu horeeyey loo isticmaalo
*Acellular vaccine waa midka hadda la isticmaalo
*iyo isku darka labadaasi talaal