Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shucayb on May 31, 2015, 11:09:38 PM
-
Ascdr
Waxaa jirta maamo eedaday ah so waxaa haya cudurka loo yaqaan macaanka afka qalaadna lagu yiraahdo "Diabates" sidaas ogtahay cudurkani waxa uu fara ba'an ku hayaa umada somaaliyeed mana jirto dawlad isku hawshay sidii cudurkani loo yaryn laha walow cudurkani yahay cudur dadka waawayn inta badan ku dhaca Islaantan waa eedaday waxa cudurkan qabtaa mudo dhowr sano ah Dhakhaatiir badan baanu gaynay ilaa iyo hadana wax isbadal ah kama hayno wali xanuunki wuu hayaaa walow maqaalo badan an akhriyay Waxaay maqaladasi shegayan inuusan jirin wax dawo rasmi ah oo cudurkaas uu leeyahay
Lkn wali kuma kalsooni maqaaladaas oo shaki baa igaga jira dr maamadu waa qiyaastii 50 jir xanuunkana way la dhibantahay waxaa taaas u dheer waxay ku nooshahay somalia oo aan lahayn daawayn rasmi ah ama xanaano
Waxaan rabaa wax dawo ah oo aan siiyo maamadan?? iyo wixii talo ah ee aad iga sinkarto sidii aan u xanaanayn lahaa maamadan
By shucayb Awmuse
THNKS DR/DRS
-
Marka hore Sonkorowga dad weyn iyo dad yarba wuu ku dhici karaa, siyaabo badan ayuu ku imaan karaa, daawo looga bogsado ma jirto laakiin daawooyin sonkorta lagu kontaroolo ayaa jiro oo noocyo badan leh.
Nooca uu qofka u baahan yahay waxay ku xiran tahay waxyaabo badan oo uu takhtarka qofka ka ogaan karo.
Midda kale takhtar aqoon u leh cudurka Sonkorowga u gey, adiga daawo ha siinin hana u soo gadin, maxaa yeelay waxaa dhici karto daawadaas in ay dhib hor leh u keento oo ay kilyaha wax ka gaarsiiso ama wadnaha ama meelo kalaba.
Fadlan ka faa'idayso qoraalladaan wacyi galinta ah oo sonkrowga ku saabsan, waxay kaaga jawaabayaan su'aalaha badanaa aad qabtid.
Waa maxay sonkorow ama kaadi-macaan?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,342.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,342.0.html)
Warbixin dhameestiran macaanka?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html)
Sonkorowga iyo daawooyinkiisa?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2924.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2924.0.html)
Su'aalo iyo Jawaabo: Sonkorow: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html)