Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amiir24 on July 10, 2018, 06:22:13 AM

Title: Su'aal: Af ur ama Af Qurun?
Post by: Amiir24 on July 10, 2018, 06:22:13 AM
Asc Dr. Waan ku salaamay salaan kadib waxan rabaa in aad iga jaahil bixiso labo su alood oo igu soo Noq noqotay oo af qurunka la xariirta

1. Af qurunka malagu kala qaada in uu kugu neefsado qof afkiisa uu urayo
2. Af qurunka malagu kala Qaadi karaa Baashida (Dhuuqmada) aad wada sameysaan Xaaskaga hadii ay qabto af qurun.

Waxan rajeynayaa in aad ii so jwbi doonto Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Af ur ama Af Qurun?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2019, 10:17:17 PM
Neefsiga laguma kala qaado af-qurunka, laakiin haddii qof afka cillad ka qabo aad calyadiisa ku soo gaarto ama aad afka isla gashaan waad ka qaadi kartaa cilladda af-qurunka, wixii faahfaahin ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0)