Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saleeban Axmed on May 15, 2015, 02:36:09 PM

Title: Su'aal: Imtixaanka markaan naxo waan biyo-baxaa?
Post by: Saleeban Axmed on May 15, 2015, 02:36:09 PM
wllo waxaan doonayaa in layga jawaaabo anoo imtaxaan ku jira yaa waxa dhacdy imtaxaankiii ayaaan ku daddgdgy waqtigii ayaa iga dhamaady markaaa waan biyo baxay oo sperm ayaa iga timid wllo markaa maxaa couse gareeyayy ilaa sadex jeer ayay arintaasi ugu dhacdy
Title: Re: Su'aal: Imtixaanka markaan naxo waan biyo-baxaa?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 04:38:30 PM
Waa xaalad jirto waxayna ku dhacdaa badanaa ardayda da'dooda u dhaxayso 16 illaa 25 sano, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Biyo-baxa welwelka"

Waqtiyada ugu badan oo ay isku arkaan dadka ka sheegto waa xilliyada imtixaanka, khaas ahaan markuu qofka la kulmo xaalad kadis ah, sida in imtixaanka markuu qofka warqadda loo dhiibo ama la kulmo su'aalo uusan filanayn ama waqtiga uu ka sii dhamaanayo iyo wixii la mid ah.

Caafimaadka wax dhib ah uma keeno, sida la yaqaanayna qofka ma dareemo raaxo ama kacsi intaba, waxaa marka hore qofka uu dareemaa, dhidid badan, wadna garaac kadibna biyo-bax.

Waxay dadka noocaan badanaa ay leeyihiin diiqad ama welwel waana dad si sahlan u nixi karo ama u welweli karo.

Haddii ay dhif tahay xaaladaha aad saan isku aragtid, wax laga welwelo ma ahan inkastoo uu qofka dareemi karo xishood iyo naxtin dheeraad ah oo imtixaanka uu ka sii shaqayn kari waayo.

Haddii dhibaato ay kugu heyso arintaan ama joogto noqoto waxaa jiro daawooyin welwelka iyo diiqada lagu yareeyo oo aad qaadan kartid xilliyada aad imtixaanka galayso ama welwel aad la kulmayso.

Waa arrin caadi ah waadna ka kori doontaa, wax dhib ahne kuuma keenayso.
Waxaa laga yaabaa in dad kugula taliyaan in aad biyaha iska keento imtixaanka ka hor si aysan sidaan kugu dhicin, taasi xal ma ahan oo way dhici kartaa adigoo sidaa sameeyay.

Sidoo kale gabdhaha, haddii ay naxaan ama welwel degdeg ah la kulmaan caadada way u imaan kartaa oo way ku soo dagdagi kartaa, waana wax la xiriiro hormoonnada qofka oo khalal galayo ee ma ahan cillad.