Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Pre-Dental and Dental => Topic started by: SomaliDoc on March 09, 2009, 11:58:21 AM

Title: Daryeelka Afka iyo Ilkaha (Oral Care)
Post by: SomaliDoc on March 09, 2009, 11:58:21 AM
Caafimaadka ilkuhu waa shay muhiim ah. Ilka caddays qurxoon iyo neefta udgooni waxay kordhiyaan dareenka wanaagsan iyo kalsoonida qofka. Caafimaadka afka iyo ilkuhu waxay saameeyn ku leeyihiin caafimaadka qofka oo dhan.
Ujeeddada tilmaan bixiyahani waa inuu wax kaaga sheego daryeelka afka iyo ilkaha. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaa wanaagsan in aad weydiiso qoraalka ka dib.

DARYEELKA KA HORTAGGA AH
Afka iyo ilkaha oo si wanaagsan oo joogto ah loo daryeelaa waxay ka hortegaysaa inay dhashaan cudurrada afka. Waxaa ugu muhiimsani waa in afka si taxadar leh oo joogto ah guriga loogu nadiifiyo iyo in si joogto ah oo loo tago baaritaanka ilkaha ee ay sameeyaan dhakhtarka ilkaha ama kalkaaliyaalka rugta daryeelka ilkaha. Marka baaritaanka ilkaha la samaynayo ayaa laga heshiinayaa sida ay tahay inaad rugta daryeelka ilkaha u tegeysid (inta mar ee ay tahay inaad rugta daryeelka ilkaha tagtid).

Ilmaha yar-yar ilkahooda waxaa wanaagsan in is taxadar gaar ah leh loo daryeelo, isla marka ay ilka caanoodku u soo baxaanba. Haddii sidaas la yeelo ilkaha ilmaha u soo baxa ee aan dhicin dalooladoodu way yaraanayaan.

Ilkaha waa in loo cadayaa si taxadar leh subixii iyo habeenkii inta aan la seexan ka hor. Isticmaal burush jilacsan. Burushka adag wuxuu waxyeello u geysan karaa ilkaha iyo cirridka. Daawada ilkaha ee fluori ku jiro ayaa aad u wanaagsan, sababtoo ah fluorigu wuxuu xoojiyaa ilkaha. Xusuusnow sidoo kale in aad burushka ilkaha iska beddesho, ugu yaraan afar jeer sannadkii.
Cadayidda ilkaha ka sokoow, waxaa wanaagsan in dadka waaweyni ay nadiifiyaan meelaha ilkaha dhexdooda, sababtoo ah daloolada ilkaha ku samaysma iyo infakshanka cirridku waxay keenaan midab cawlan oo ilkaha ku samaysma (bakteeri dahaarkeed) kaas oo aan ilkaha laga fujin karin.

NIDAAMKA CUNTO XULOSHADA
Bakteeriyada afku sonkorta cuntada ku jirta ayey ka samaysaa aashito asiidh), marka afka la geliyo waxaan ahayn biyo ama xylitol. Aashitadu waxay ku fidaa ilkaha salkooda iyadoo isla markaana keeneysa, in ilkaha uu ku dhashaan daloollo. Ilkuhu 4 ilaa 6 goor ayey maalintii u adkaysan karaan weerarka ay aashitadu ku soo qaadayso, sidaasi awgeed waxaa aad muhiim u ah in wax la cuno lana cabo waqtiyada cuntada oo keliya, waana in la iska daayo cuntada dheeraadka ah wakhtiyada u dhexeeya xilliyada cunto cunidda.

WAXAA MUHIIM AH
• Iska daaya cunitaanka waxyaabaha sonkortu ku jirto, shaaha iyo qahwahana sonkor ha ku darsanina. Sonkortu waxay ku jirtaa maacmacaanka iyo doolshaba intaa waxaa sii dheer sonkorta qarsoon oo aad ugu badan tusaale ahaan biyaha oranjigaa, bibsi koolada, faantada, buskudka, waxyaalaha shiidan oo dhan iyo kajabka iyo sinaabiga.
• Haddii aad cuneyso waxyaalo ay sonkori ku jirto, cun wakhti go’an, hana cunin maalintii oo dhan.
• Wakhtiyada u dhexeeya xilliyada cuntada waxyaabo caafimaad leh cun, sida khudrada, waxyaabah la cuno ee dhirta ka soo baxa, rootiga iyo waxyaalaha laga suubbiyey caanaha.
• Cunitaanka xanjada xylitol waxay caawisaa inuu joogsado weerarka aashitada, waxayna kordhisaa candhuufta, taasina waxay u wanaagsan tahay ilkaha.
• Harraadkaaga (oonkaaga) biyo u cab.

La soco qeybaha xiga....
SomaliDoc