Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wehlie19 on June 28, 2015, 05:36:09 PM
-
Asc: Somali docs Ramadaan kariim, waxan rabaa in aad iiga jawaabtan Su'aalahan insha'allah.
1. Maqaarka sare ee xaniinyaha ayaa i bukadda gaar ahaan xiliga kuleelaha markaa aan gashado nikista nadaafada aad ayn ugu dadaalaa wuuna igu soo nonoqdaa maxaa xal ah?????
MAHADSANIDIIN.
-
Bukashada waa noocee? Ma nabro ayaa ka soo baxa? Ma dildillaac ayaa ku aragtaa? Ma midabka ayaa is badala? Ma qolfoof ayuu maqaarka yeeshaa? Ma calaamado kale oo aad dareemayso miyaa jira sida kaadida oo ku gubto, ibta oo dheecaan ka yimaado, qanjirrada saracda oo bararan ama cillado kale sida dhabar xanuun, qandho qarqaryo leh?
Fadlan warbixin dheeraad ah soo raaci su'aashaada...
-
Mahadsanidiiin Somalidocs.
Waxa i cun-cuna maqaarka kore ka dibna xoqitaanka ayaa sababo in ay murxaan waxan isticmaalay Bioscap laakin wuu so nonoqdaa maqaarka wuu adkaadaa??
-
Haddii sidaa ay tahay waa cillad maqaar ee fadlan takhtar maqaar u tag si loo ogaado waxa uu yahay?
Xanuuno maqaar oo kala duwan ayaa uk dhaco qooraha iyo saracda intaba, waa in la arkaa si lagu kala saaro.