Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: Diagnostic on January 23, 2008, 01:30:51 AM

Title: Hurdo Xumida Ilmaha
Post by: Diagnostic on January 23, 2008, 01:30:51 AM
Maxaa keena hurdo xumida?
Sideedaba hurda xumada ku dhacda ilmaha waa nocyo badantahay, waxa ay ka simanyihiin kuligood inay waalidka walac ku abuuraan iyo hurdo la'aan, lakin caafimad ahaan hadii loo hadlo waa laba qeyb:
1- Mid mushkilo ay keentay (jirro ama  dhibaatooyin kale) kuwaasi kuwa qarsooma maahan waxyabaha ugu horeeya oo lagu ogaadane waxaa kamid ah calaamadaha soo socda:
- ooyin badan
- ilmaha oo isku kaadintooda badan tahay tanoo ka soo kicineysa waqtiyo badan
- In ilmaha ay ku noolyihiin guri buuq badan
- In ilmaha markii ay jiftaan naqaska ku xirma ama khuuro ay keenaan
- in ilmaha ay hurdada ay ku qarwaan amaba ay ooyin iyo qaylo la soo kacaan
- in ilmaha uu jadwalka hurdada uu ka qaldanyahay goorkuu rabo iska jiifto gorkuu rabo iska soo kaco.
- in ilmaha ay gaajo qabato, oo ay la soo kacaan
- in ilmaha si lama filaan ah hurdo ula dhacaan ama dhib ay tahay in laga soo toosiyo
- in ilmuhu ilkaha ay isku xoqaan markay jiifaan amaba ay hurdo-socdaan
2- Mid mushkilo aysan keenin, oo badanaa iska baaba'da markuu ilmuhu gaaraan sanadka 1-aad taasoo u baahan in waalidka uu fahmo lana qabsado. (waxaadna ogaataa in ilmaha aysan isku hurdo ahayn)

Maxaa xal u ah hurdo xumida?
Isku day inaad samayso wakhti mucayan ah oo seexasho marka ilmuhu gaaro ugu horayn ilaa lix usbuuc.
• Isku kalsoonoow naf ahaantaadu si aad u ogaato in ilmahaagu is-rog rogayo oo kaliya ama inuu dhibanyahay
• Hadii hurdada ay kaa qasto is-rog rogga iyo xasilooni la’aanta ilmahaaga, isku day inaad qof aamin ah oo qaraabo ama saaxiib ah uu kuu hayo ilmaha si aad u seexato

Caruur badan iyo dhalaan badan ayaa la kulma dhibaato hurdo la'aan ah mararka qaarkood. Waxaa muhiim ah inaad isku daydo inaad caruurtaada u samayso wakhti go'an oo ay caadaystaan inay seexdaan habeen walba. U diyaari meel dugsoon oo raaxa leh si ay u nafisaan. Caruurta oo wax loo akhriyo habeenkii markay seexanayaan waxay ilmahaaga ka caawinaysaa in caradu ka ba’do oo uu ku nafiso. Haddii ilmahaagu ka boqo madowga, isku day inaad layrka habeenkii u shido. Waxaa kaloo faa'iido ah, raaxana ah inaad ilmahaaga u dhigtid waxyaalaha lagu ciyaaro haddii uu habeenkii soo baraarugo. Haddii aad ka walaacsantahay in ilmahaaga dhibaato culus ka haysato inuu seexdo, ama uusan si joogto ah u seexan habeenkii oo dhan.

Hadii aad qabto wax su'aalo dheeraad ah halkaan ku waydii.

Diagnostic