Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gacalsame on May 13, 2015, 05:56:49 PM

Title: Su'aal: Lamaane gaaban caruurtooda ma ka dhaxli karaan?
Post by: Gacalsame on May 13, 2015, 05:56:49 PM
asc dhamaan waa mahadsanyihiin dhaqaatiirta umada waqtigooda u hurtay su'aasheydu waxay tahay?
ani waxaan ahay wiil gaaban dhirirkeygu waa 1.72 xaaska aan qabo waa ay iga gaaban tahay qiyaas ahaan waaa 1.65 maka gaabnidaasi saameyn ma ku yeelan kartaa caruurteena maadaama aan labadeena nahay laba qof oo wada gaaban
tan kale qofkee la dhihi karaa waa gaaban yahay?
Title: Re: Su'aal: Lamaane gaaban caruurtooda ma ka dhaxli karaan?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:18:57 PM
Qasab ma ahan haddii aad gaaban tahay in caruurtaada ay gaabnaanayaan, midda kale haddii dhaxal la yiraahdo xittaa qof kuu sheegi karo caruurtaada in ay gaabnaanayo ama inta gaabnaan doonto ma jirto.

Cabbirka inta laga rabo dhirirkaaga waxay ku xiran tahay da'daada, miisaankaga iyo jinsigaaga, meelaha qaar waxay ku xiran tahay cabirka aabahaa iyo hooyadaa si loo qiyaaso inta laga rabo cabirkaaaga.

Laakiin intaasba waa qiyaas kaliya ee ma ahan wax sax ah.

Haddii da'daada iyo miisaakaaga noo sheegtid waan kuu sheegi karnaa inta laga rabo dhirirkaaga si aanan laguu dhihin waad gaaban tahay.
Title: Re: Su'aal: Lamaane gaaban caruurtooda ma ka dhaxli karaan?
Post by: Gacalsame on May 16, 2015, 09:23:08 PM
aniga culleskeyga waa 65KG da'deyna waa 25 jir hooyadeey iyo aabaheey waa dad aad u dhaadheer
Title: Re: Su'aal: Lamaane gaaban caruurtooda ma ka dhaxli karaan?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2015, 02:23:38 PM
Markii da'daada iyo miisaankaaga la fiiriyo, dhirirka aad tilmaanay ee ahaa 172 cm, waa Normal.