Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaaburi on February 02, 2010, 11:42:46 PM
-
scw walaal salaan gadib waxaan rabaa in aan ku wey dii yo adigoo aad umahasan in aad iiga jawaabto su,aasha tani walala waxaan isku arkay dhiicaan tira badan oo ka yimaado xaga taranka ama (guska) mida kale waxaa mararka qaar arkaa
markaan suuliga galo oo aan soo gaadsho oo aan is dhaho aleelehee waad dhameysatay kaadida waan ka soo baxaa suuliga 1minid kadib waxaan arkaa iyadoo kaadi yar iga timaado marka taas ayaa arkaa walla waad na ku mahad santahay wakhtiga aad isiisay
-
Dheecaan ka yimaada xubinta taranka waa calaamad infection oo ay keeni karto cudurro dhawr ah oo ay ka mid tahay: Jabtida, Chlymedia iyo cuddurro kalaba.
Waxaa lagu kala ogaan karaa in kaadida laga baaro jeermiska keenay cudurka kadibne daawada loogu tala galay laguu qoro.
Halkaan ka akhriso cudurrada keeno dheecaan ibta ka yimaado.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0)
Talo: la xiriir dhakhtar sida ugu dhakhsiyaha badan maxaa yeelay cudurradaan waxay keenaan madhalaysnimo!