Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sanka taabte on August 14, 2016, 01:55:41 PM

Title: Su'aal: Waxaan akhristay qoraalkan afqurunka?
Post by: Sanka taabte on August 14, 2016, 01:55:41 PM
Asc soomali doctors waan idin salaamay bacda salaan waxaan ahay wiil soomaaliyed oo jooga wadanka new Zealand dadaydu waa 27 sano   waxaan akhristay qoraalkan afqurunka aad kaga hadasheen dhamaan waxaad ka hadasheena waa wax saamayn igu yeeshay waxaan mudo afar sano ku dhow hadii aysan ka badnaynba ka cabanayaa af shiir anoo cadaystay ayaan dareemayaa hadana af ur dadka aan isugu dhownahayna way ii xaqiijiyeen in uu jiro af ur   hadii aan qeexo sida aan u dareemo dhibkayga dhanka afka ah horta ilkuhu way i dhalaalan khaasatan gawsaha biyaha qabow iyo hawaduba way i dhibaan qururuf iyo xaaqsi badana oo xaga sanka ahna waan leeyahay mar marka qaar laabatooyinka sanka iyo afka   dalqadiisa hoose markaan xaaqsado waxaa kasoo baxa wax yar adag yellow cml usoo eeg oo uraya oo qadhmuun sida huurada cml uraya markaa dhibkaas ayaa i haysta mudo dheer wadankan aan joogana cold ayay ku dhahayaan aa ku haya qudaarta iyo biyaha badso uunbay ku dhahayaan aadba dawadiisa uma yaqaaniin markaa xaaladaydu waa sidaas suaashaydu waxay tahay sidaas ayaan wax u dareemayaaye dawo ku haboon idinku ma ii qori kartaan mahadsanidìin wax fiicanbaan idinka rajaynayaa asc
Title: Re: Su'aal: Waxaan akhristay qoraalkan afqurunka?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2016, 10:13:12 AM
Xanuunkaaga hergab ma ahan, waxaa loo yaqaanaa "Tonsilolith" isagaana keeno af-qurunka, fadlan akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html)