Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Pharmacist on November 12, 2007, 04:12:45 PM

Title: Wiilkii Mucjisada Noqday!
Post by: Pharmacist on November 12, 2007, 04:12:45 PM
Inan, waa will 7 jir ah ku na nool wadanka singaafoor, wiilkaan waxa uu ku baasay darajo lalayaabana ka keenay imtixaankii dugsiga sare, khaas ahaan maadada kimistriga mida hormarsan.

Inan oo dugsi sare ka qalin jabiyay ayaa loo la'yahay jaamacad uu wax ka barto da'diisa oo aad u yar awgeed inkastoo su'aalaha ugu adag ee kimistriga uu uga shaqeen karo muddo aad u yar.

Aabihiis mar la wareestay wax uu yiri: wiilkayga waxa uu awood u leeyahay inuu noqdo mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ah.
wuxuu kaloo ku daray: habeen ayaan u soo gaday buuga kimistariga, habeenka ku xigtayne buugii ka koobnaa 460 beej wuu wada xifdiyay.

Macalimiin laga wareestay arintaasne waxa ay dhaheen hadii Inan loo aqbalo inuu jaamacad galo, mushkilado badan ayaa ka hor imaan doono oo ay ka mid tahay, dhinaca amaanka labka, iyo miisaska uusan gaari karin, laakiin waxa ay isku wada raaceen in "Inan" ay u rajeynayaan mustaqbal lala yaabo.

Real Pharmacist