http://www.youtube.com/watch?v=xUf4L6UQhbk (http://www.youtube.com/watch?v=xUf4L6UQhbk) | Sanadkii 1998-da cilmi baarayaal u dhashay dalka ingiriiska uuna hogaaminayo takhtar lagu magacaabo "Dr.Wakefield" ayaa waxa ay soo bandhigeen qoraallo sheegay in cudurka loo yaqaan "Dhakaak ama Gooniyow" caafimaad ahaanne la yiraahdo "Autism" in xiriir la yeelan karo tallaalka MMR maadaama la arkay in caruur dhan 12 oo qabay cudurka Autism oo ay waliba dhibaatooyin mindhicirka ka haystaan taasoo Dr wakefield u bixiyay cudurka caabuqa mindhicirta uu keeno dhakaakuhu "autistic enterocolitis". Warbixintaan oo lagu soo daabacay joornaalka caanka ah ee "Lancet" ayaa waxay cabsi galisay waalidiintii taasoo keensatay in tallaalkii ka socday wadanka ingiriiska iyo ireland uu hoos u dhacay taasoo u horseeday in cudurrada jadeecada, qaama-qanshiirka iyo jadeeco-jarmalka ay bataan taasoo caruur u la'atay qaarne u naafoobeen. Inta cilmibaaristaan aan la soo saarin ayaa waxaa jirtay cabsi ku aadan in tallaalka MMR uu leeyahay waxyeello caafimaad sida in uu keeno cudurka Qoorgooyaha iyo Maskax bararka (Meningitis & Encephalitis). Cabsidaas horay u jirtay ayaa waxay cirka isugu shareertay markii sheekadaan Autism-iga lagu xariiriyay tallaalka MMR soo baxday. Dr Wakefield wuxuu soo jeediyay markii xaaladda halkaas marayso in tallaalkaan sadaxda ka kooban ee caruurta la isku siiyo la kala qaado oo hal hal loo siiyo sidii awalba ahaan jirtay inta safiican looga hubinayo in xiriir muuqdo oo u dhaxeeyo tallaalka MMR iyo Dhakaakga. |