Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abiib on September 01, 2016, 12:45:19 PM

Title: Su'aal: Jidh dhiska faaiidadiisa?
Post by: Abiib on September 01, 2016, 12:45:19 PM
asc dr faaidada jidh dhisku u leeyahay hab nololeed ka qofka  iyo haduunan qofku samayn jimicsi maxaa khasaare ku ah ama dhibaat uu la kulmi karaa caafimaad ahaan
Title: Re: Su'aal: Jidh dhiska faaiidadiisa?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 07:18:04 PM
Jirdhiska qasab ma ahan, waxa muhiimka ah waa jimicsi dabiici ah inuu qofka sameeyo si jirkiisu firfircooni u yeesho. Socodka, orodka, dabaasha, bootinta, rucelynta iyo wixii la mid ah ayaa ka muhiimsan haddii la joogteeyo culeys qaadista.
Murqaha oo la dhiso ama la weyneeyo ma ahan wax qof waliba lagula taliyo, faa'ido caafimaad ahaan laga helo oo gooni ahne ma jirto.