Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 11, 2011, 02:38:41 AM

Title: Su'aal: Isla weynidu ma cudur baa?
Post by: CilmiSabca on August 11, 2011, 02:38:41 AM
[fonat=Verdana]asc aqyaarey, sln ka dib.
Dhaqtar, isla weynidu ma cudur baa? Waxa jira dad ceyn walba leh oo kibrey isla markaasna ay ka buuxdo isla weyni xad dhaaf ah sida quudhsi, qabyaalad iyo jimic la'aan. Marka dhaqtar taasi ma cudur baa koley dadkaasi waxa ka muuqda stress iyo hesitation'e?. Jwb wacan o daawo ku lifaaqan please. Thank you all including aqyaarta qadarinta mudan.[/font]
Title: Re: Su'aal: Isla weynidu ma cudur baa?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 12:15:45 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kibirka.png)

Kibirku waa nooc ka mid ah dabeecadda bini'aadanka laakiin hadduu xadkiisa dhaafu wuxuu maraa heerar kala duwan illaa uu ka gaaro heer cudur oo qofku u baahanyahay daaweyn iyo la tacaalis degdeg ah.

Kibirku haduu yahay in uu qofka faano uuna isku heysto inuu dadka kale ka sarreeyo, qofkaasne uu yahay qof dhalinyaro ah taasi waxaa loo aanaynayaa in khibrad yari heysato waa mid sahlan oo dhalinyaradu badanaa way ka gudbaan heerkaas.

Haddii mid intaas ka badan ay tahay waxaa u sii dheer, in qofku uu joogteeyo in uu nafsaddiisa uu ka sheekeeyo ama qoyskiisa ama shaqadiisa meeshii la iskugu yimaadaba isagoo aan fiirineyn dadka meesha fadhiyo iyo xaaladda uu ku suganyahay.

qofkani waa qof danihiisa ku gaaro dadka kale isagoo aanan wax ixitraam ah ama qadarin u haynin.

qofkani ma jeclo in dadka kale cabashadooda uu dhagaysto mana ahan qof leh caadifo kula qiiroodo ama kula murgoodo dadka kale duruufahooda.

Wax walba oo laga hadlo qofkane wuxuu jecel yahay in ra'yigiisa la qaato maadaama uu yahay midka saxda ah, isagane uu ugu xeeldheeryahay arrimaha laga sheekeeyay.

qofkane wuxuu aaminayaa in uu isaga ugu muhiimsanyahay goobta shaqadiisa, shirkada ama warshaddane la'aantiis aysan shaqayn karin, qoyskiisane la'aantiis ay baa'bayaan tani uu aaminsanyahay qofka in asxaabtiisa iyo ehelkiisa aysan isku filneyn una qalmin hawlaha ay hayaan.

kibirka heerkaan markuu gaaro waxaa loo yaqaannaa "Narcissistic Disorder" oo ah Isla-qabwayni jirro ah.

Haduu qofka heerkaan ka gudbu wuxuu isku badalaa kibir waalli ah oo calaamadaha lagu gartane ay ka mid tahay in qofku aamino in uu leeyahy awood aysan lahayn dadka kale, gaaray guulal aanan horay loo garin, howlaha ka kala socda dunida uu dowr weyn ka ciyaaray.

qofkaan wuxuu aaminsanyahay in uu yahay qof khaas ah oo ay fahmi karaan kaliya dadka sarsare ama muhiimka ah ama marmarka qaar nabiyada iyo malaa'ikta in ay la mid yihiin isaga!!

Qofkaan wuxuu u baahanyahay qadarin aad u weyn, mar walba la faadhiyo, la mahadiyo loo sheego heerka ay gaarsiisantahay aqoontiisa iyo awoodiisa oo xitaa haddii la dhaho adigaa dunida abuuray wuu ku faraxayaa.

xaaladdaan waxay isku badashaa dhalanteed isla weynaan, taasoo qofka rumeeyo waxyaabo aan suura gal ahayn oo aanan laga dhaadhici karin sida in qofkani uu yahay nabi eebbe soo diray ama bini'adanka uu abuuray ama dhulka iyo cirka uu kala hayo iyo wax la mid ah, tanoo caafimaad ahaan loo yaqaano "Grandiosity".
Qofkaan wuxuu qabaa cudur dhimir wuxuuna u baahanyahay in la la xirriryo takhtar aqoon u leh cudurrada maskaxda ah si loo daaweeyo.

Faahfaahin intaa dheer oo ku saabsan dhalanteedka kibirka oo ka farcamo cudurka "Schizophrenia" halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)