Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on October 16, 2015, 11:41:07 PM

Title: Su'aal: Asmada maleedahay xaako mirir/ ama daxal oo kale ah?
Post by: Abdi21 on October 16, 2015, 11:41:07 PM
waxa la igu sheegay asmo la igu dhahay waa kugu soo socotaa hadaadan daawo sii qaadan daawada aan qaataa waa 200 mg tan la dhuuqo ee baroonta ah marka aan asbuuc ka maqnaado xaako cagaar ah ayaan arki jiray lkn hada waxaan arkaa xaako mirir oo kale ah bronkiito asmo iyo kolos intaba waan aqriyay waana isu calaamado dhowyihiin waxan leeyahay qunfac saq dhexe ah qandho habeenkii ah qarqaryo lkn intaas hadii aan daawada qaadan asbuuc ayaan isku arkaa markaan daawada qaatana ma arko iyo diif biyo ah kee lagu qiyaasi karaa ma asmo kolos mise pronkiito mahadsanid walaal
Title: Re: Su'aal: Asmada maleedahay xaako mirir/ ama daxal oo kale ah?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2015, 12:09:08 PM
Labadaba laguma kala ogaan karo waraysi kaliya waa in feerahaaga la dhagaysto oo baaritaan la sameeyo si loo kala saaro.
Labadaba way isku dhow yihiin, daawada aad tilmaantay oo la dhuuqane wax way ka tartaa labada xaaladood haddii aysan la socon caabuq jeermis oo bakteeriyo ah.

Fadlan la xiriir dhakhtar.
Title: Re: Su'aal: Asmada maleedahay xaako mirir/ ama daxal oo kale ah?
Post by: Abdi21 on October 19, 2015, 12:46:07 PM
walaaloow waxaan joognaa dhul gaaloo oo aad isleedahay mararka qaar cunsuriyada ayaa ku badan dhoowr jeerna waa la isaaray raajito lkn su aasha igu weeyn ayaa ah xanuunkayga ugu danbeeyn waxaan ka dareemaa laf dhabarka intaas cudur asmo bronkiito kolos COPD kee ayaa ugu dhow inuu xanuunkiisa laf dhabarta laga dareemo daawada la dhuuqo markaan qaato waxba ma dareemo lkn waa marka eey iga kala go,do ama wadan kale u safro sida aan hada ahay oo kale
Title: Re: Su'aal: Asmada maleedahay xaako mirir/ ama daxal oo kale ah?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2015, 01:31:10 PM
Waxaa dhici karto in xanuunka lafdhabarta aad ka dareemayso uu yahay cillad kale oo la socoto cilladahaan ee ma ahan astaan la socoto xanuuanda aad tilmaantay.
Haddiii aad daawada la dhuuqo markaa isticmaalaysid aad ku roontahay waxay cilladaadu ku soo kooban tahay dhuumaha sambabada taaso oo ay saamayn karto Neefta ama COPD.

Raajo qasab ma ahan in marka lagu saaro mana loo adeegsado in neefta lagu ogaado, laakiin tiibishada iyo pneumonia-da haddii laga shakisan yahay waa lagu saari karaa.