Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amaal Axmed on October 28, 2016, 11:49:27 AM

Title: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta kintirka?
Post by: Amaal Axmed on October 28, 2016, 11:49:27 AM
Waxaan ahay gabar 18 jir ah
Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta taranka ah qaas ahaan (kintirka)

Ma gudni sidi aan ku dhashay baan ahay
Xubinta kintirka ah ayaa aad ii xanuunto inta badan xubinta afkeeda waxaa ka imaado dheecaano aad u ur badan camir ahaana weey ka dheer tahay kuwa kale
Maxaa sababay arintaan? Mase la dhihi karaa gudniin la'aanta ayaa arintaan sababtay?
Waxaan rajeeynaa in aad i caawisaan welina wax dhaqtar ah lama kulmin mana oga reerkeeyga.

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta kintirka?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2016, 06:22:47 PM
Qanjirro yar yar ayaa ku yaalla afka hore ee kintirka, kuwaas oo soo daayo qoyaan loo yaqaano "Smegma", waa qoyaan cad sida burcadka u eg, wuxuu lahaan karaa ur waxaana badanaa lagu arkaa gabdhaha aan la gudin, Alle wuxuu ugu talagalay inay wax subkiyaan, laakiin haddii meesha nadaafadeeda aysan fiicnayn ayay ku aruuraan, urkaas ayayna keenaan. waa in si joogto ah aad ugu nadiifisaa biyo kulul, kuna tirtirtaa maro nadiif ah.

Waxaa kaloo dhacdo in afka hore ee kintirka uu ku dhaco caabuqa fangaska ee loo yaqaano "Candida", markaasne way keentaa ur badan akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan caabuqa keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)