Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaarto on October 30, 2016, 11:39:48 AM

Title: Su'aal: Mataanaha iyo minka hooyada?
Post by: Kaarto on October 30, 2016, 11:39:48 AM
asc wa  anigoo ah abbas ali jooga soomaaliya gobolka banaadir waxaan qabaa su aal ku saabsan mataanaha
1mataanaha aan isku akeen malaga yaabaa in ay leeyihiin 2 aabo mataano aan marna isku akeen dhan walbo marka laga eegu iylaa in ay isku jinsi yahiin kaliya wiila ama gabdho oo kale
2 su aash labaad hooyada uurka qado goormee uu xermaa minkeeda ilaa iyo meqaa malmood ayuu ku xermaa mar lootago kadib markuu biyaha kudhaco minka horey miyuuka xermaa ama malmo ayeey qadataa  in uu xermo minka     
Title: Re: Su'aal: Mataanaha iyo minka hooyada?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2016, 06:13:13 PM
Mataanaha aad ayay iskugu ekaan karaan oo aan la kala garanaynin, waxaana arintaan loo yaqaanaa "Identical Twins", tani waxay dhacdaa markay hal ugxan ay ka wada samaysmaan.
Waxaa kaloo dhici karta inay kala jinsi duwanaadaan ama kala muuqaal duwanaadaan, taasi macnaheeda ma ahan in laba aabo ay ka kala yimaadeen, mana dhici karto arintaas, hal mar ayay ugxantu bacrisantaa.
Sida kaliya ay arintaan ku dhici karto oo mar dhif ah la arkay taariikhda caafimaadka waa in hooyo lagu bacrimiyo si "Artificial ah" taasoo shahwada laga soo bato meelaha lagu keydiyo in laba shahwo ay isku daranto, markaasne ay hooyada uur qaado, weliba laba caruur aan shaqo isku lahayn sida cunug cad iyo cunug madaw oo kale. waa wax dhif ah, sida dabiiciga ahne kuma dhacdo.

Su'aasha 2-aad: Markasta afka minka wuu xiran yahay, wuxuu furmaa kaliya markay hooyada dhali rabto iyo markay dilanto iyo haddii ay hooyada horay u lahayd cillad minka uu iska furan yahay.