Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on May 24, 2008, 09:31:30 PM

Title: Garashada Sonkorowga (Diabetes)
Post by: SomaliDoc on May 24, 2008, 09:31:30 PM
(http://somalidoc.com/Topics/macaan.png)

Haddii aad qabto sonkorow sannado badan iyo haddii lagu yiri sonkorow baad hadda qabtaa, keligaa ma tihid. Inta u dhaxaysa 170 - 180 malyan oo qof ayaa qaba sonkorow dunida. Xogta hoose ayaa kaa caawimi doonta garashada sonkorowga iyo sida loogu noolaado horumar adigoo qaba.

Qoraalkan waxaan uga jawaabi doonnaa su'aalahaan hoos ku qoran:

Hoos u soco si aad u akhrisatid jawaabaha su'aalahaan kore....

Department of Endocronology
The Ohio State University Medical Center
Title: Waa Maxay Sonkorow?
Post by: SomaliDoc on May 26, 2008, 12:29:18 AM
Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada quwad ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.

Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.
Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la'aan.

Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:
Title: Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
Post by: SomaliDoc on May 26, 2008, 05:32:59 PM
Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:
Dadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu u soo baxaa, dhawr bilood.
Title: Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2008, 03:57:44 PM
Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:

Baaridda Dhiigga
Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 3 saacadood.

Baaritaan Guud
Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.

Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga
Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo kacsi la'aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan doonaa haddii aad qabto sonkorow.
Title: Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
Post by: SomaliDoc on May 28, 2008, 07:02:56 PM
Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.

Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.
Title: Maxaa Keena Sonkorowga?
Post by: SomaliDoc on May 30, 2008, 10:23:36 AM
Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:
Title: Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
Post by: SomaliDoc on May 31, 2008, 10:13:42 AM
Nooca 1 Snkorowga
Nooca 2 Sonkorowga
Sonkorwoga Shinka Mellitus (GDM)


Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona nooca sonkorowga aad qabto.[/list]
Title: Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
Post by: SomaliDoc on June 01, 2008, 08:33:19 AM
Title: Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
Post by: SomaliDoc on June 02, 2008, 10:19:14 PM
[0]Cunto qaadasho
Title: Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2008, 10:45:32 AM
Haddii aad ogtahay inaad qabto sonkorow, adigu waa inaad ka qayb qaadata xanaanaynta naftaada. La shaqee Dhakhtarkaaga, kalkaalisadaada iyo qofka cuntada si aad wax badan u barato oo ku saabsan nolosha fiican adigo sonkorow qaba. Ka bilow xogta ugu hooseyso (inta badan loo yaqaan xirfadda badbaadadaada). Aqoonta iyo xirfadda aad baran doonto horta waxay ku xirantahay nooca Sonkorowga aad qabto iyo qorshaha daaweyntaada. Xogta aasaasigga ah waxaa Ku jira:


Xooga ka mid waxyaabaha aad u baahnaan doonto inaad ku xadido sonkorowgaaga waa:


Si aad warbixin buuxda uga heshid sonkorowga iyo sida loo maamulo waxaan diyaar kuugu dhahay halkaan anagoo kaaga jawaabayna su'aalahaada oo idil iyo wixii walac aad qabtid.

DHAMMAAD
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)