Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on December 28, 2015, 05:45:27 PM

Title: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
Post by: SomaliDoc on December 28, 2015, 05:45:27 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dalqo.png)

Dalqadu waa xubin jilicsan oo ka muuqato afka salkiisa, waxay ka soo laalaadaa qeybta kore ee dhanxanaga.
Dhakhaatiirtu badanaa waxay aaminsan yihiin in dalqadu aysan faa'ido weyn oo la fahamsan yahay in aysan jirka u lahayn, qaarne waxay leeyihiin waa qanjir ka qeyb qaato difaaca jirka, qaarne waxay leeyihiin hadalka iyo cod samaynta ayay muhiim u tahay markay caruurtu yar yihiin.
Laakiin maadaama markii la jaro aysan jirin wax wayn oo jirka ka maqan ama howl ay qaban jirtay oo la gabay, ayay dhakhaatiirtu waxay ku adkaysanayaan in laga maarmi karo.
Anagu maadaama aan dad muslim nahay oo aaminsan in eebe abuuris kasta uu sameeyo in ay macno ku fadhiso, waxaanu leenahay illaa iyo hadda lama oga waxtarka dalqadu ay jirka u hayso.
Maxaa yeelay labadii boqol ee sano ee la soo dhaafay, waxaa dhakhaatiirtu aaminsanaayeen oo ardayda caafimaadka barato loo dhigi jiray in xubinta loo yaqaano "appendix-ka" ee laga saaro qofka markii qabsin ku dhaco in aysan waxtar lahayn, laakiin muddo hadda laga joogo dhowr sano la ogaaday ina y waxtar muhiim ah u leedahay bini'aadanka.

Intaa haddii aan uga gudbo hordhacaas, maadaama aanan aqoon badan loo lahayn dalqadu, sababta loo gooyane ma caddo, waxa kaliya oo la isku waafaqsan yahay oo loo gooyo waa dadka cabburma markii ay seexanayaan ama khuurada dheer leh kuwaas oo lagu sheego xanuun loo yaqaano "obstructive sleep apnea", wixii ka soo haray waxay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in aanan la qalin.

Way jiraan ummado afrikaan u badan oo ay soomaalidu ka mid tahay oo si joogto ah u gooyo dalqada iyagoo aaminsan in ay daawo u tahay dhowr cudur oo ay keenaan labadaan sababood:

Badanaa dalqada waxaa gooyo dhakhtar dhaqameed, dadka badanaane waxay dalqada ku qaldaan quumanka, sida sawirka kore ka muuqdane waxaad arkaysaa inay yihiin laba xubin oo kala duwan.

Dhibaatooyinka ka imaan karo dalqo goynta ayaa waxaa ka mid ah:

Maadaama dalqadu aysan xiriir la lahayn xanuunada darteed loo gooyo illaa iyo hadda, waxaa habboon in laga fogaado jaristeeda dhibaatooyinka ka imaan karo darteeda inta la oga ogaanayo waxa ay dalqadu qabato iyo haddii jaristeeda lagu caafimaadayo iyo haddii la jaro waxa jirka ka maqnaan doono intaba.

Fadlan haddii cunaha aad ka jiran tahay la tasho dhakhtar oo ka fogow meelaha lagu sameeyo qalliimada noocaan oo kale.

Akhriso qoraalo xiriir la leh:
1- Quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)
2- Dhagaxaanta quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0)
3- Af-urka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
Post by: Barkhat on December 29, 2015, 11:26:08 PM
Aad iyo aad baan uga xumahay xubintan ilaahay meesha ku abuuray ee loo jarayo dhibaato iyadu aanay shaqo ku lahayn.
waxaan ka shaqaynayay xarumaha caafimaadka, waxa laguu keenayaa ilmo yar oo qufacaya oo hargab ku sameeyay rixrixanyo (xadanto xunaha ah) oo u baahan dawo yar oo xanxantadaa cunaha ka bi'isa u baahan oo waalidkii sitay ku odhanayaan qufacani waa (hilib-dalqo) oo waa in laga jaraa ilmaha yar markaas uun buu ka ba'ayaa ayaa ka dhaadhacsan, hadda ogow oo sharoobo yar ama kiniin yar oo hal dosage ah ayaaba ku filaan lahaa!,

Isagoo intaa yar qudha u baahan ayaa qofkii la qalayaa oo laga qalayaa xubin meel cidhiidhi ah ku jirta oo aad u xaasxaasi ah, iyadoo weliba qofka qalayaa aanu ahayn dhakhtar xubnaha iyo xanuunadatoona aqoon u leh.

anigu waxaan ka mid ahay dadka inta hargab ku dhacay oo uu qufac yar kaga tegay oo dhawr cisho qudha ah, ee lagu yidhi hilib-dalqahaa ku buka oo qufacan keenayee waa in lagaa jaraa.

ka dib waxa la ii keenay oday hawlahaa qaabilsan oo miyi looga yeedhay, marka lagaa jarayo dhibtiisa ma qiyaasi kartid oo qofku marka maqas iyo forcep cunaha laga geliyo hunqaaco ayuu keenayaa waxana dhici karta in rafashadaa iyo carcarka qofka in xubin kasii daranba la jaro ama maqaskii meel kale aado.

iminka anigu waxaan arkay dhakhtaro badan oo khibrad badan leh oo igu yidhi; xubintani waxay la shaqaysaa oo caawisaa xubnaha cuntada iyo neefta kala haga ee kala ilaaliya sida epiglotes-ka iwm ah. waxayna yidhaahdaan qofkasta oo aad looga wada jaray xubintaasi wuu kasii saxasho badan yahay qofka aan laga jarin.
Title: Re: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2016, 05:15:19 PM
Howsha ay dalqadu qabato waa qiyaas iyo malo ee ma ahan wax cilmibaaris ku dhisan, taas ayaana keentay in la isku waafaqi waayo.
Haddii ay dhakhaatiirteena ay cilmibaaris daabacan ay ku lifaaqaan waxyaabaha ay qabato, way kaga khibrad badnaan karaan dhakhaatiirta kale maadaama wadankeena aad loogu jaro dalqada, wixii isbadal dhacay qalliinka ka dib iyo la diraaseeyo dadkaas way noo sahlan tahay.
Hadduu jiro arday maadada qalliinka xiiseynaya oo rabo inuu diraasad sameeyo waa topic qiimo leh.