Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bilaal on December 02, 2009, 11:34:39 AM

Title: Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?
Post by: Bilaal on December 02, 2009, 11:34:39 AM
waxaan dr kaa codsanlahaa inaad noo balbalaarisid si aan wax uga ogaano
mahadsanid dr
Title: Re: sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo.
Post by: SomaliDoc on December 02, 2009, 08:56:09 PM
Su'aashaada ma caddo.
haddii ay la xiriirto su'aal hore, boggii su'aashaas ku hoos qor.

Mahadsanid
Title: macnahayga waa qaabka wax la isagu beero ugxanta iyo spermaha mahadsanid dr
Post by: Bilaal on December 04, 2009, 01:13:33 AM
macnahayga waa qaabka wax la isagu beero ugxanta iyo spermaha mahadsanid dr
Title: Re: Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?
Post by: SomaliDoc on December 08, 2009, 11:26:55 AM
Gacan ku riminta miyaa ka wadaa suáashaada iyo qaabka loo sameeyo?
Title: Re: Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?
Post by: Bilaal on December 12, 2009, 09:29:50 PM
Haa dr waad mahadsantahay
Title: Re: Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?
Post by: SomaliDoc on December 21, 2009, 07:54:40 PM
(http://www.pregnancytobaby.com/wp-content/uploads/2008/07/iui-picture.jpg)
Gacan ku rimiska ama waxa loo yaqaano "Artificial Insemination" waa haweenka oo xawada iyo ugxanta oo la isku bacrimiyo galmo la'aan.
Waxaa la soo qaadaa manida isagoo fresh ah ama qallajisan (barafaysan) kadibne minka haweenka ayaa lagu tallaalaa.

Inta manida aan lagu ridin haweenta waxaa lala socdaa meertada caadada si markii ugxanta loo soo saaro haweentane diyaar u noqoto in ay uur qaadi karto loogu rido manida iyadoo la adeegsanayo silingo ama tubo loogu talo galay.

Manida waxaa la dhex dhigi karaa dhowr meel oo kala ah: Siilka, Farraatiga, Minka ama Tubooyinkaba.

Waxaan rajaynayaa in aad fikrad ka haysato qaabka loo sameeyo gacan ku rimiska.
Mahadsanid
SomaliDoc