Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 10, 2011, 10:58:59 AM

Title: Su'aal: Ma jiraa nidaam Islaami ah oo xadeeya isku tagga lamaanaha?
Post by: CilmiSabca on September 10, 2011, 10:58:59 AM
Asc dhamaantiin. Salaan ka dib. Waxan doonayaa in aan ogaado inay jiraan nidaamyo Islaami ah ama Caalami ah oo xad u yeelay sida ugu haboon ee ay u nidaamsanaan karaan isku tagga lamaanayaasha is qaba. Tusaale:-
- immisa goor ayey isku tagi karaan ninka & xaaskiisa halkii habeen, wiig ama bishii? (inta ay haweeneydu daahirka tahay ee aanay jirin xaalad maanic ah)
- ninka qaba in ka badan hal xaas, sidee ayuu u maareyn karaa gogoshooda? Isla markaana uu tabartiisa u xafidi karaa, isaga oo aan ku dheeli xumaan raali galinta marwooyinkiisa?
- haddii uu lamaanaha lab isticmaalay daawooyinka xoojiya ragga, lamaanaha dhegidna aysan waxba isticmaalin ayna rabin in loo tago (ileyn lama xoojinin sida dhigeeda) tan shareeracada Islaamka & qubarada Caafimaadka sidee bay u arkaan?
Dhaqaatiirka iyagu xad ama talo ma u sameeyeen arrimahan maadaama ay arrimahaani yihiin udub dhexaadka Aadmiga?
Waxan codsanayaa in na la fahamsiiyo, waxana isla webkan ku soo baranay galmada amaanka ah. Wabilaahi Towfiiq.
Title: Re: Su'aal: Ma jiraa nidaam Islaami ah oo xadeeya isku tagga lamaanaha?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2011, 11:00:25 PM
Waxaan filayaa su'aalahaan in aad jawaabtooda taqaanno, mana filayo inuu jiro nidaam u dagsan waxa ka dhaxeeyo ninka iy xaaskiisa haddii ay sharciga aysan khilaafsanayn.

Waxaa muhiim ah in ninka uu u cadaalad falo xaasaskiisa, uuna xoogsan haddii aysan diyaar u ahayn ama ay dhibsanayso.

Inta goor oo u tagayane dabcan karaankiisa iyo awooddiisa ayay ku xirantahay inkastoo caafimaad ahaan ay fiicantahay in qofka uusan ku walfin galmada.