Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 04, 2016, 08:53:30 PM

Title: Jucinta / Juciska Faraha iyo Caafimaadka.
Post by: SomaliDoc on September 04, 2016, 08:53:30 PM
(http://somalidoc.com/Topics/jucis.png)

Kalagoysyada jirka waxaa ku hareeraysan xuub Alle uga dhigay difaac, xuubkaas dhexdiisa waxaa ku jira dheecaan howshiisu tahay in lafaha uu kala ilaaliyo si aysan isku xoqin, dhawacne isku gaarsiinin.

Markii aad jucinaysid kalagoys sida gacmaha oo kale, waxaad kala sikinaysaa lafaha, waxaana hal mar ku soo qulqulayo dheecaankii isagoo booska ka saarayo hawadii ku jirta, hawada sida kadiska ah looga saaray kalagoyska ayaa keenayso codka aad maqlaysid marka aad jucsanaysid.

Tan waxay la mid tahay, dadka juciyo qoortooda ama dhabarkooda ama kalagoysyada kale ee jirka ku jiro.

Waxay badanaa dadka sameeyaan arintaan markii ay daalan yihiin ama welwelsan yihiin, laakiin waxaa jiro dad ay caado u tahay oo la qabsaday oo aan joojin karin.

Badanaa qofka markuu kalagoyska juciyo wuxuu dareemaa khafiif iyo firfircooni kalagoyskaas, laakiin waa muddo gaaban tan waxay ka timaadaa isbadal ku yimid cadaadiska kalagoyska, waxayna qaadataa 25 ama 30 daqiiqo si aad mar kale jucis u samaysid, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 25% ay juciyaan kalagosyadooda, waxayna ku badan tahay ragga.

Saameyn ma ku leedahay caafimaadka?
Si looga jawaabo su'aashaan waxaa la sameeyay dhowr cilmibaaris iyadoo lagu eegayo in juciska lafaha uu keeni karo xubno xanuunka loo yaqaano "Arthritis" Akhriso waxa laga wadayo cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0),
Waxay cilmibaarisyada badankood lagu soo gabagabeeyay inuusan jirin xiriir ka dhaxeeyo xubno xanuunka iyo juciska lafaha, laakiin waxaa la raaciyay dhowr talo oo muhiim ah:

Haddii aadan lahayn xaaladahaas kor ku xusan, juciskaagane uusan joogto ehayn, lama hayo wax cadaynayo in aad ka dhaxli doontid xubno xanuun ama dhibaatooyin kale.

Akhriso qoraal ku saabsan isku istaagidda iyo joogjoogsiga lafdhabarta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)