Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 27, 2017, 08:30:13 PM

Title: Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"
Post by: SomaliDoc on November 27, 2017, 08:30:13 PM
(http://somalidoc.com/Topics/fiixqoore.png)

Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay nabraha kuuskuusan ee qooraha ka soo baxo sida sawirka kore ka muuqdo.

Alle wuxuu jirka biniaadanka ku abuuray khaasatan meelaha tinta ka soo baxdo qanjirro yaryar oo maqaarka ku dhex jiro oo loo yaqaano "Sebaceous glands" kuwaasoo hadafkoodu yahay inay soo daayaan dheecaanno dufan leh oo jirka subkiyo, qanjirradaas waxay leeyihiin tubooyin ama marinno yaryar oo dibadda maqaarka u soo saara saliiddaas.

Waxaa mararka qaar dhacdo in marinnada qanjirradu ay xirmaan oo saliiddii ku xannibanto qnajirka kadibne muddo kadib jirku kuus ku samaysmo, kuuskaas oo marka hore jilcan oo markii la tuujiyo ama la bajiyo ka soo baxayaan wax cad oo jilcan, kaasoo ah dufankii iyo saliidii meesha ku xannibantay.


Meelaha badanaa lagu arko kuuskuuskaan waxaa ka mid ah qooraha, xaaladaasne waxaa loo yaqaanaa "Sebaceous retention cyst of the scrotum" ama "Epidermal cyst of the scrotum".

Markay muddo ka soo wareegato, dufankii kuuska isku badashay way adkaataa oo dhagax camal ayay meesha ku noqotaa, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "Calcified epidermal cyst".

Cilladaan inkastoo dhif ay tahay haddane waxaa lagu arkaa ragga da'da yar, wax xanuun ah lama dareemo mana la kala qaado, qooraha meelo ka baxsanne kuma faafto, kansarne iskuma badasho.

Sidee loo daaweeyaa fiixdaan?
Xalku waa qalliin fudud oo lagu soo saarayo dheecaanka ku xannibmay kuusaska qooraha ka soo baxay, waxayna fiican tahay in la qalo markay cusub tahay, sababtoo ah markay raagto way adkaataa ama way soo badataa illaa qooraha oo idil ku faafto, markaasne waxaa lala saaraa lakabka kore ee maqaarka qooraha.

Haddii aad nabraha sidooda u daysatid waxaa dhici kara in caabuq uu ku dhasho ama dillaacaan, laakiin dhib kale ma keenaan.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee Facebook-geena: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Title: Re: Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"
Post by: Ali Omar on December 02, 2017, 04:00:57 PM
Asc. Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Waxan akhristay qoraal aad ku faahfaahisay cilladda Varicocele. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix korkeeda iyo gadaasheeda hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?